Warakii Ugu Dambeeyay

Aktarada caanka ah ee Kajol oo ka shiftay Jaceylkii uu u qabay Shah Rukh Khan

shah-rukh-khan-kajol1yadoo ay tahay maalinta saaxibtinimada,maanta aynu ka sheekeyno sida uu ku soo bilowday xiriirka Aktarada caanka ah ee Shah Rukh Khan iyo Kajol.

Labadan waa kuwa loogu jecelyahay Bollywoodka laakiin isbarashadoodii hore waa xumeyd.

Shah Rukh khan ayaa la xusuustaa in Aamir Khan uu u sheegay in Kajol uu neceb yahay oo ay tahay gabar xun.

Laakiin saacado kadib Aamir Khan intuu wacay ku yiri hadana,tani waa gabar caadi aan ku aheyn filimada yacni ku fiican.

Dhawaan SRK waxaa uu yiri marka ay isla keenayeen filimka Dilwale kajol iney tahay gabar uu u xiiso uu jeclaan lahaa inuu filimkasta uu iyada la keeno.

Hadaba isbarashadoodii hore ma wanaagsaneyn.

SRK ayaa ka sheekeeyay oo yiri”maerkan aniga iyo kajol jileynay filimka Baazigar,Aamir khan ayaa I weydiiyay wax kajol ku saabsan taas oo ah inuu rabo inuu la shaqeeyo,kadib fariin ayaan u soo diray oo aa ku dhahayo waa gabar xun lama shaqeyn kartid,hadana Aamir waan wacay maqribkii waxaan u sheegay iney gabadha filim jilista cajiib ku tahay.

Kajol ayaa iyana la weydiiyay sida ay isku barteen Shah Rukh Khan waxaana ay sheegtay iney xusuusato mar uu ku yiri iyada”ma iga qaban kartaa afkaaga,markaas ayaan dareemay ayey tiri inaan saaxib noqoneyno aniga iyo isaga.

Kajol iyo SRK ayaa isla keenay filimo hore oo ay kamid yihiin Dilwale Dulhania Le Jayenge, Kuch Kuch Hota Hai, Kabhi Khushi Kabhi Gham iyo Baazigar

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]