Warakii Ugu Dambeeyay

WARARKA MAANTA

Mooto ay saaranyihiin Walxaha Qarxa oo lagu qabtay Gobolka Shabeellaha Hoose

NISAAA

Afgooye:- Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka ayaa degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose ku qabtay Mooto ay saarnaayeen walxaha Qarxa, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan NISA. Mootadaan oo ahayd nuuca loo yaqaano Dhugdhugleyda ayaa waxaa saarnaa walxaha Qarxa oo ay ka mid ahaayeen Jaakado ay Qaraxyo ku xiranyihiin. Saraakiisha NISA ayaa waxa ay tilmaameen  in gacanta lagu haayo hadda Mootada ...

Read More »

Jeedinta Khudbadaha Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka oo ka socota Muqdisho

Xildhibano cusub

Muqdisho:- Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho waxaa hadda si rasmi ah uga bilaabatay khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale ku xigeenadiisa. Xubnaha utaagan xilalkaasi waxa ay gaarayaan Ilaa 22-Musharax ayaa u taagan Sadexda xil guddoon baarlamaanka. Waxaa lagu wadaa inay dhacdo Doorashada guddoonka baarlamaanka ee Soomaaliya {11-ka iyo 12-ka Bishaan} Lasoco wixii ...

Read More »

Dhageyso: Cabdi Qaybdiid oo shaaciyey Musharax uu Codkiisa Siinayo

qeybdiid1

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kamid ah hogaamiyayaashii soo maray Galmudug haatana kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa fariin u diray golayaasha barlamaanka. Cabdi Qaybdiid ayaa ugu baaqay xildhibaanada labada aqal inay doortaan qof dalka ka saari kara xaaladda uu kusugan yahay aysana fiirin dhaqaale ay ka qaataan musharixiinta loolamaya. Halkaan ka Dhageyso 

Read More »

Itoobiya oo soobandhigtay Qorshe ay ku hor joogsanayso Musharixiinta Beelaha Daarood una Gudbisey…

SHARIIF-IYO-TEDRUS

Wararka hoose ee naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in ay Xukuumada dalkaas u soo bandhigtay Hogaamiyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug & HIRSHABEELE qorshe ku aadan sidii loola dagaalami lahaa musharaxiinta ka soo jeeda Beesha Daarood, sidii aysan u noqon laheyn Madaxweyne-nimada Soomaaliya. Ilo ku dhaw dhaw wararkan ayaa sheegaya in ay Addis Ababa xooga saarayso in mar kale ...

Read More »

Daawo:- Faah Faahin weerar ka Dhacay Mareykanka

Lauderdale1

Maraykanka:- Booliska ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay, haatanna waxa ay isku dayayaan inay go’aan ka gaaraan waxa ninkaasi ku dhaliyay inuu dadka laayo. Ninkan hubeysan ayaa xabadd ku furay goob laga daabulo alaabaha shirkadaha Air Canada iyo Delta Airlines. Dad goob joagayaal ah ayaa sheegay in ninkani uu amusnaa, marka uu rasaasta furayay iyadoo dadku ay isku dayayeeen in ay ...

Read More »

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug oo xilkii laga qaaday

gaas

Mudug:- Wararka ka imaanaya gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas uu taliye cusub u soo magacaabay ciidanka booliska gobolka Mudug, kadib marki xil ka qaadis lagu sameeyay taliyihii qeybta booliska gobolkaas gaashaanle sare Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame. Madaxweyne Gaas waxa uu Xilkaan u magacaabay Kornayl Cismaan Xasan Cowke (Afdalow) oo horey u ahaa taliyihii ciidanka birmadka Puntland, balse markii ...

Read More »

Ciidamanka AMISOM oo Xasuuq ka geystay Gobolka Shabellaha Hoose

AMISOM

Baraawe:- Wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM Gelinkii Dambe ee Shalay Degaan lagu magacaabo Wareer-male oo Hoostaga Degmada Baraawe ku dileen Labo Wiil oo Walaalo ah oo Xilligaas keel la joogay ama ilaalinayay. Magacyada Labada Wiil ee la dilay ayaa lagu sheegay C/raxmaan Xasan oo 17 Sano jir ah iyo Cabdi Xasan ...

Read More »

Alshabaab” Maxay u weeraraan Hotelada??

alidhere

Muqdisho:- Afhayeenka guud ee ururka Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa ka hadlay arimo badan oo kusaabsan dalka. Wareysi uu siiyay Shiikh Cali Dheere taleefishinka Aljazeera ayaa marka hore ku timaamay doorashooyinka dalka ka dhacaya inay yihiin Xulasho. Afhayeenka Ururka Alshabaab ayaa sidoo kale ka hadlay weerarada Hotelada ay ku qaadaan ururka Alshabaab. Waxana uu sheegay in ...

Read More »

Kulan Amaanka looga hadlayay oo Ka dhacay Degmada Baraawe

ugan

Baraawe:- Taliyaha Milaterigga Wadanka Uganda General Katumba Wamala oo maal mahaan ku sugnaa dalka oo shalay booqasho ku tegay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose Taliyaha Milaterigga Wadanka Uganda General Katumba Wamala waxa uu kulamo laqaatay Saraakisha Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM waxa uuna kala hadlay xoojinta amaanka iyo la Dagaalanka Shabaab. General Katumba Wamala waxa uu warbixin ka ...

Read More »

DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho Oo ka Walaacsan xirnaanshaha Wadooyinka xilliga Doorashada

Shacabka

Muqdisho:- Dadka kunool Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in dhibaato weyn ay ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka xilliga Doorashada. Qaar ka mid ah shacabka oo nala hadlay waxa ay sheegeen in aysan aadi karin goobaha waxbarashada iyo shaqooyinkooda, maadaama ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho xilliga Doorashada. Sidoo kale shacabka Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen walaac badan in ay ka muujinayaan ...

Read More »