HOYGA WARARKA CAALAMKA http://tabiyenews.com ku Saabsan Mon, 20 Feb 2017 09:31:10 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=4.3.1 AU, EU condem deadly Car bomb attack in Mogadishu http://tabiyenews.com/english-news/au-eu-condem-deadly-car-bomb-attack-in-mogadishu/ http://tabiyenews.com/english-news/au-eu-condem-deadly-car-bomb-attack-in-mogadishu/#comments Mon, 20 Feb 2017 09:27:44 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14979 4ba3d95d-696x249

The attack on civilians in Mogadishu today is yet another act of terror targeting the Somali people by those wanting to undermine progress towards a stable and secure Somalia.

We pay respect to those who lost their lives and express our deepest condolences to their families and friends.

The blast took place just as Somalia recently concluded a political transition process and a new President was elected.

We stand with President Farmajo and the new leadership to bring security and further build strong institutions. Forces undermining peace are not to be tolerated.

The EU will continue its relentless support to the people of Somalia in their efforts to recover from years of conflict and rebuild their country.

African Union has also condemned Sunday’s car bomb attack at the crowded marketplace in Mogadishu that killed at least 30 people and injured over 40 others.

 

]]>
http://tabiyenews.com/english-news/au-eu-condem-deadly-car-bomb-attack-in-mogadishu/feed/ 0
DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo” $100 kun oo dollar ayaan siindoonaa qofii qarax soo sheega http://tabiyenews.com/wararka-maanta/dhageyso-madaxweyne-farmaajo-100-kun-oo-dollar-ayaan-siindoonaa-qofii-qarax-soo-sheega/ http://tabiyenews.com/wararka-maanta/dhageyso-madaxweyne-farmaajo-100-kun-oo-dollar-ayaan-siindoonaa-qofii-qarax-soo-sheega/#comments Mon, 20 Feb 2017 09:14:24 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14971 0J1A7548

Muqdisho- Tabiye.com- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Farmaajo, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u midoobaan arrinta qatarta ku ah, waxa uu ballan-qaadey in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa lagu sameynayo 100,000 (Boqol Kun oo Dollar).

Arintaan waxa uu imaanayaa xili shalay Qarax aad u xoogan uu ka dhacay suuqa Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Dadkii Qaraxaasi ku dhinteen ku dhowaad 30 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasi oo isugu jiray dad ka cunteynayay Maqaaxi goobta ku taallay, dad goobo ganacsi halkaasi ku lahaa iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya dhawaan ay qaadi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Halkaan ka Dhageyso::::::::::

0J1A7263-1 0J1A7165

 

 

]]>
http://tabiyenews.com/wararka-maanta/dhageyso-madaxweyne-farmaajo-100-kun-oo-dollar-ayaan-siindoonaa-qofii-qarax-soo-sheega/feed/ 0
Michael Keatig oo si kulul u Cambaareyay Qaraxii shalay ka Dhacay Muqdisho http://tabiyenews.com/wararka-maanta/michael-keatig-oo-si-kulul-u-cambaareyay-qaraxii-shalay-ka-dhacay-degmada-wadajir/ http://tabiyenews.com/wararka-maanta/michael-keatig-oo-si-kulul-u-cambaareyay-qaraxii-shalay-ka-dhacay-degmada-wadajir/#comments Mon, 20 Feb 2017 08:53:56 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14967 Michael-Keating

Muqdisho- Tabiye.com- Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Somaliya Michael Keatig ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay  Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Michael Keatig ayaa Wuxuu ammaan u jeediyay shaqaalaha hay’adaha amniga iyo caafimaadka gurmadkii deg degga ahaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa isaga oo soo jeediyay in caddaaladda la hor geeyo dadkii ka dambeeyay Qaraxaasi.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Somaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii dhibku ka soo gaaray Qaraxii shalay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay doonaayeen in Qaraxaasi ay ku qalqaliyaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed.

 

]]>
http://tabiyenews.com/wararka-maanta/michael-keatig-oo-si-kulul-u-cambaareyay-qaraxii-shalay-ka-dhacay-degmada-wadajir/feed/ 0
Saddex ruux oo cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyootay Gobolka Bakool http://tabiyenews.com/wararka-maanta/saddex-ruux-oo-cudurka-shuban-biyoodka-ugu-geeriyootay-gobolka-bakool/ http://tabiyenews.com/wararka-maanta/saddex-ruux-oo-cudurka-shuban-biyoodka-ugu-geeriyootay-gobolka-bakool/#comments Mon, 20 Feb 2017 08:45:07 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14963 abaar-sanaag-1132x670

Bakool- Tabiye.com- Cabdullaahi Saalax Xuseen oo ka mid ah Maamulka Degmada Yeed ee Gobolka Bakool, ayaa sheegay saddex ruux inay u geeriyoodeen xanuunka Shuban biyoodka oo ka dilaacay deegaankaasi.

Cabdullaahi Saalax Xuseen waxa uu carabka ku adkeeyay in Shuban biyoodka uu faro kulul ku hayo dadka kunool deegaanada ay maamulaan kooxda Al-shabaab, waxa uu Cabdullaahi Saalax Xuseen tilmaamay in dagaal culus ay kula jiraan shuban biyoodkana waxaa keenaya kuleylka iyo biyaha oo yaraaday ayaa saldhig u ah, hadadan aan kula hadlayo dabeylo aad u waaweyn ayaa ka dhacaya, waxaas ayaana sababa in hawlahani ay sidaa isku bedelaan, degamada hadda waxaa usoo gurmatay hay’adda NCF ayaa u soo gurmatay oo daawooyinkii looga hortagi lahaa iyo kuwii lagu daaweyn lahaa iyo biyo dhaamisba u sameysay.” Ayuu yiri Cabdulaahi Saalax

Deegano kale oo ku dhaw dhaw Degmada Yeed ayaa wuxuu sheegay dadka inay u geeriyoonayaan xanuunka Shuban biyoodka, maamlmihii dambewaxaa abaaro iyo macluul daran laga soo sheegayay qeybo kamid ah Gobolada dalka soomaaliya.

Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Hay’adaha kusugan muqdisho waxa uu kala hadlay sidii loo caawin lahaa dadka ay saameysay Abaaraha ka jira Gobolada dalka.

 

]]>
http://tabiyenews.com/wararka-maanta/saddex-ruux-oo-cudurka-shuban-biyoodka-ugu-geeriyootay-gobolka-bakool/feed/ 0
Daawo: Farmaajo oo booqday Isbitaal Madiina http://tabiyenews.com/wararka-maanta/daawo-farmaajo-oo-booqday-isbitaal-madiina/ http://tabiyenews.com/wararka-maanta/daawo-farmaajo-oo-booqday-isbitaal-madiina/#comments Mon, 20 Feb 2017 08:17:55 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14956 0J1A7165

Muqdisho- Tabiye.com- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay booqday Isbitaal Madiina oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay suuqa Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Waxa uu sheegay in caafimaad deg deg ah oo dhanka diibadda ah loo qaadi doono dhaawacyada daran, si halkaasi loogu soo dabiibo.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku dhinteen ku dhowaad 30 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasi oo isugu jiray dad ka cunteynayay Maqaaxi goobta ku taallay, dad goobo ganacsi halkaasi ku lahaa iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Halkaan ka Dhageyso::::::::::

0J1A7189 0J1A7263-1 0J1A7548

]]>
http://tabiyenews.com/wararka-maanta/daawo-farmaajo-oo-booqday-isbitaal-madiina/feed/ 0
Madaxweyne farmaajo oo si kulul uga hadlay Qaraxii Shacabka Lagu laayay http://tabiyenews.com/wararka-maanta/madaxweyne-farmaajo-oo-si-kulul-uga-hadlay-qaraxii-shacabka-lagu-laayay/ http://tabiyenews.com/wararka-maanta/madaxweyne-farmaajo-oo-si-kulul-uga-hadlay-qaraxii-shacabka-lagu-laayay/#comments Sun, 19 Feb 2017 18:30:03 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14953 Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay dadka ku geeriyooday Qaraxa maanta Argagixisada ay ku laayeen dadka maatada ah.

Sidoo kale Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ayaa caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay Qaraxan oo dhamaantood ah dad shacab ah.

“Qaraxii ka dhacay suuqa kaawo-godey ee Degmada Wadajir wuxuu cadeyn u yahay bahalnimada Al-shabaab, Shacabka iyo Ciidamada waa in ay hal meel uga soo wada jeestaan, si looga guuleysto” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ku dhowaad 30-Qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxa maanta Al-Shabaab ay ka geysteen Suuq ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana tani ay muujinaysaa Al-Shabaab inaysan u kala soocnayn Shacab iyo Masuuliyiin.

]]>
http://tabiyenews.com/wararka-maanta/madaxweyne-farmaajo-oo-si-kulul-uga-hadlay-qaraxii-shacabka-lagu-laayay/feed/ 0
Faah Faahin: Khasaaraha ka Dhashay Qarax ka dhacay Degmada Wadajir http://tabiyenews.com/wararka-maanta/faah-faahin-khasaaraha-ka-dhashay-qaraxa-ka-dhacay-degmada-wadajir/ http://tabiyenews.com/wararka-maanta/faah-faahin-khasaaraha-ka-dhashay-qaraxa-ka-dhacay-degmada-wadajir/#comments Sun, 19 Feb 2017 11:42:04 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14944 Deg Deg

Muqdisho- Tabiye.com- Warar dheeraad ah ayaa waxa ayaa kasoo baxaya Qarax loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Nawaaxiga Maqaaxi ku taalla Isgoyska kaawo Godey ee Degmada Wadajir.

Qasaaraha dhimasho ee sababay Qaraxa ayaa waxa uu gaarsiisan yahay Ilaa 10 qof halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen sida ay Tabiye.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta, si ay u soo qaadaan dhaawacyada halkaasi yaalla, si loo gaarsiiyo Isbitaalada oo xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Ma cadda Bartilmaameedka Qaraxaasi khasaaraha xoogan geystay ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wixii dheeraad ah Lasoco Tabiyenews.com

qaraxa1 qaraxa2 qaraxa5

 

]]>
http://tabiyenews.com/wararka-maanta/faah-faahin-khasaaraha-ka-dhashay-qaraxa-ka-dhacay-degmada-wadajir/feed/ 0
DEG DEG: Qarax Gaari oo ka Dhacay Muqdisho http://tabiyenews.com/wararka-maanta/deg-deg-qarax-gaari-oo-ka-dhacay-muqdisho/ http://tabiyenews.com/wararka-maanta/deg-deg-qarax-gaari-oo-ka-dhacay-muqdisho/#comments Sun, 19 Feb 2017 11:16:12 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14940 War Deg Deg ah Tabiye

Muqdisho- Tabiye.com- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Nawaaxiga Maqaaxi ku taalla Isgoyska kaawo Godey ee Degmada Wadajir.

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen sida ay Tabiye.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Maqaaxi oo aad Mushquul ahaa iyadoona khasaaraha ugu badan dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa uu soo gaaray.

Ma cadda Bartilmaameedka Qaraxaasi khasaaraha xoogan geystay ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wixii Dheeraad ah Lasoco Tabiyenews.com

 

]]>
http://tabiyenews.com/wararka-maanta/deg-deg-qarax-gaari-oo-ka-dhacay-muqdisho/feed/ 0
Farmaajo” Dagaalka Al-Shabaab ha lagu soo Afjaro 2-Sano http://tabiyenews.com/wararka-maanta/farmaajo-dagaalka-al-shabaab-ha-lagu-soo-afjaro-2-sano/ http://tabiyenews.com/wararka-maanta/farmaajo-dagaalka-al-shabaab-ha-lagu-soo-afjaro-2-sano/#comments Sun, 19 Feb 2017 10:56:50 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14932 0J1A6642-1024x683

Muqdisho- Tabiye.com- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka codsaday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM in muddo labo sano ah in ay kusoo Afjaraan dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan looga hadlayay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab waxa uu la qaatay Saraakiisa dowladda iyo Gudoomiyaha AMISOM Francisco Madeira.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka AMISOM laga doonaya in a muujiyaan kaalintooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Gudoomiyaha AMISOM Francisco Madeira, ayaa sheegay in ay balan qaadayaan in ay qaadaan tilaabo walbe oo labada sano ee socota Al-Shabaab looga guuleysan karo.

 

0J1A6693-1024x683 0J1A6697-1024x683 0J1A6907-1024x683

0J1A6642-1024x683

]]>
http://tabiyenews.com/wararka-maanta/farmaajo-dagaalka-al-shabaab-ha-lagu-soo-afjaro-2-sano/feed/ 0
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo gaaray Garoowe http://tabiyenews.com/wararka-maanta/taliyaha-hayadda-socdaalka-iyo-jinsiyadaha-oo-gaaray-garoowe/ http://tabiyenews.com/wararka-maanta/taliyaha-hayadda-socdaalka-iyo-jinsiyadaha-oo-gaaray-garoowe/#comments Sun, 19 Feb 2017 09:27:22 +0000 http://tabiyenews.com/?p=14929  

 

koofi1

Garoowe- Tabiye.com-Magaalada Garoowe ee Caasimada  Maamulka Puntland waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Wafdiga General Koofi  Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu kormeeri doonaa  xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, isagoo sidoo kale kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Puntland.

Wixii dheeraad ah Lasoco Tabiye.com

 

]]>
http://tabiyenews.com/wararka-maanta/taliyaha-hayadda-socdaalka-iyo-jinsiyadaha-oo-gaaray-garoowe/feed/ 0