Warakii Ugu Dambeeyay

DAAWO: Waxqabadkii Mudada Sanadka aheyd Ee Machadka Salaaxudiin Magaalada Muqdisho

 

Machadka SALAAXUDIIN Waa Machaad La Aas-aasay 12-kii bishii May Sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2015ka. Ujeedka loo Aas-aasay Machadka ayaa ah Horumarinta Tignoolijiyada oo Baahin Weyn loo qabay iyo in Dalka loo Soo Saaro Arday Waxbarasho Wanaagsan ama qibrad ku filan leh, Aqoon-yahaano isku yimid ayaa lahaa hindisaha lagu yegleelay Machadkaan oo hada noqday mid lagu aflaxay kana qalinjabisay Mudada Sanadka ah in ka badan 80 Arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo Bartay qaybaha kaal duwan ee waxbarasho ee Machadku bixiyo.

SALAAXUDIIN Markii ugu horeeysay Waxaa laga furay Xaruntiisa Koowaad Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ee Caasimad u ah Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Waxa xaruntiisa labaad sidoo kale laga hirgaliyay Magaalada Burco ee Xaruunta Gobolka Togdheer.

Xaruuntaan ka furan Magaaladatan Muqdisho ee Caasimada Dalkeena Soomaaliyaa ayaa noqonaysa Xaruunta Saddexaad ee laga hergilyo Guud ahaan Dalkeena Soomaaliya Marka laga soo tago Dugsiyada sare ee Magacaan Wadaaga ay ka badan yihiin tira ahaan kuwa Private ahaanta u Shaqeeya, Waxaa sidoo kale jira Xaruumo kale oo laga hergelin doono Guud ahaan Gobolada Dalkeena Soomaaliya o ugu horeysa Xaruunta Dhawaan laga furi doono Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay Xilligaan Xaruun Kumeel gaar u ah Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo u Hogaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan..

Waxqaabadka Dhinaca Bulshada ee Machadkaan SALAAXUDIIN qaybta Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa aan lagu soo koobi karin qoraal Laakin waxaan kasoo qaadanayna sida aad muuqaalka hoos ku arki doontaan Dhowr Waxqabad o Hogaanka Slaaaxudiin ALLAH u suurta-galiyay in ay ku guulaystaan inta Badan Hamigooda Mudadad Sanadla ahaeyd, iyadoona arrimahaas marqaati ka ah Ardaydii iyo Macalimiintii Machadkaas Mudada Sanadka ku sugnaa iyo Waliba Haatan ku sugan.

12-kii bishii Dacember Sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2015-ka ayaa aheyd markii ugu horeesay Machadku ku guulaysto in Dadweyanaha Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa Wax ka barta iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho ku casumay in uu u qabto Bandhig Loogu Magac daraty { MADASHA SALAAXUDIIN } taas oo lagu Marti qaaday Aqoonyahano, Culumaa’udiin iyagoona dadweynaha kasoo qaybgalay Su’aala ay weydiyaan Culumada iyo Aqoonyahanada toos aga jawaaba.

Sidoo kale Machadka Salaaxudiin ayaa Waxaa uu ku Guulaystay in dadka Soomaaliyeed oo Jecel Waxbarshada gaar ahaan Kuwa rabra in ay bartaan IT-ga Qaybihiisa kala duwan uu siyay Fursad ay ku bartaan iaygoo guryahooda Jooga in ay kala socon karaan casharada uu Bixiyo Machadka iyo Waliba dadka Dalka Dibadiisa ku nool iyagana ay casharada kala baxaan Aaladaha kala duwan ee Machadku ku leeyahay Social Media, tilaabadaas ayaa noqotay mid ay soo dhaweeyaan dadyowga Soomaaliyeed ee ku kala nool Daafaha dunida.

 

Mascuud Warsame isxaaq Waa Maamulaha Guud ee Machadka Salaaxudiin qaybta Magaalada Muqdiosho waxa uu si koban u sharxaya qaybaha Waxbarsho ee iskuulka uu bixiyo iyo Waliba sida ay bulshada usoo jiiteen gaar ahaan kuwa ku nool Caasimadda Dalkeena Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale Mascuud Warsame mar uu ka qaybgalay Barnaamij Waxbarshada ee ka baxayay Radio VOD ee Xamar yaa tafaasiil guud ka bixiyay waxyaabaha ay iyagu aga duwan yihiin iskuulada kale eek u yaala Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa Private-yada ah

Waxaa jira dad fara badan oo aan awoodin in ay waxbartaan haba u badnaadaan dadka danyarta caruurahooda iyo Waliba qaarkood oo Waalidiintooda ay ku dhinteen dagaaladii Sokeeye ee dalkeena ka dhacay kuwaas oo Noolashooda ku dayacan Wadooyinka Waa Wey nee Magaalada Muqdisho, Mar Arrintaas Ustaad Mascuud Warsame oo ah Maamulka Salaaxudiin Qaybta Muqdisho Wax laga weydiyay waxaa uu kaga jawaabay in Maalmaha kahmiista & Jimcaha dadka aan awoodin in ay waxbartaan ay iyagu ugu talagaleen in si Free ah Maalmahaas ay wax ku baraan isagoo Arrintaas ka hadlayana Waxaa u yiri.

Inta badan iskuulada cusub ayaa noqda kuwa ku fashilma howlihii loo igmaday o markii dambe Al-baabaabada la isugu dhuftay kadib markii ay ka wayaan cidii ay ak haysteen Balanqaadyadii ahaa in ay garab istaagayaan, waana mid Machadka Salaaxudiin aga duwan iskuulada kale eek u yaala Magaalada Muqdisho, sida Markale Mascuud uu Sharxayo waxaa ay ka Salaaxudiin ay diideen in ay qaataan Mashruucyada inta badan lagu qaato waxbarashada taas oo sheegay in aysan Wanaagsanayn in qof Walaalkaaga Sawirkiis aad iibsatid “

Qorshaha in la balaariyo Xaruunta Magaalada Muqdisho ee Machadka Salaaxudiin ayaa ah in laga hergeliyo ugu yaraan Afar degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir as oo Maamulka uu tixgalin u siinayo Cabashada fogaanshaha hada meehsa uu ku yaalo iyo Codsiga in la balaariyo Machadka o Xaruuma kale laga furo dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, mar kale ustaad Mascuud ha inoo Sharxo”

Machadka SALAAXUDIIN Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku caan baxay in uu  taakuleeyo ama uu gacan qabto Dadka jecel Waxbarashada ee aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagta.

ugu yaraan 50 arday ayaa si lacag la,aan ah ku bartay Qaybaha waxbarasho ee uu bixiyo iskuulkaas iyadoo hada qaarkood ay  yihiin kuwa ka shaqeeya Xafiisyada Dowlada iyo Shirkadaha Sida gaarka loo leeyahay.

Iskuulka Saluxudiin intii uu jiray waxa uu qabtay Tartankii ugu horeeyay oo lagu qabto Gobolka banaadir ayna ku kulmaan in ka badan 16 iskuulo kaasi oo loo qabtay Ardayda dhigata iskuulada Private-yada ah ee Gaarka loo lee yahay isla durbadiiba Waxaa Maamulada iskuulada ka qaybgalay tartankaasi hogaanka Salaaxudiin ku bogaadiyeen in aysan ka dhigin Markoodi kowaad ay sii jibaaraan iyagoona fikirkaas oo ay lahaayeen hogaanka Salaaxudiin ee Muqdisho ay ku tilmaameen mid ay iyagu ka maqnaa. Waa kana Maamulaha Machadka SAHANSAMO Cabdi Maalik o ku faraxsan in ay iyagu ka qaybgalaan Tartankaan”

Markale aan wada Dhagaysano qaar ka mid ah Ardaydii ka qaybgashay Tartankaas oo ay ku kulmeen in ka badan 16 iskuulo “

SALAAXUDIIN ayaa ku can baxay barista Luuqadaha iyo IT-da iyadoona casharada ay ku bixiyaan habka ugu casriyeesan ee Qarnigaan Dunida wax looga barto.

Hogaanka Machadka SALAAXUDIIN Ayaa Sanadkaaan Soo socoda waxa uu rajeynayaa in Xaruun Afaraad laga hergelin doono Magaalada Baydhabo oo Xaruun KMG u ah Mamaulka Koonfurgalbeeed.

Dhowr dufcadood ayaa ka qalin jabisay Machadka SALAAXUDIIN waxaana ay hada ay yihiin kuwo Aqoontooda ku meelmaraya iyadoona inta badan Maamulka Salaaxudiin hambalya aga imaaanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed taas oo ku aadan u Dabaal-dega Sanadguurada 1-aad oo Maanta ku began Markii dhidibada loo taagat Machadka Salaaxudiin Qaybta Magaalada Muqdisho!

Intaas ayaan ku soo gabagabeenaynaa Warbixintii Sanadlaha aheyd ee aan kaga hadlaynay Waxqabadka Machadka Xirfadaha ee Salaaxudiin Xaruuntiisa Magaalada Muqdisho, inta aynu mar kale kulmi doono Warbixin tan la mdi ah Waxaan idinkaga tagaynaa Sidaas iyo Nabadgalyo, Soomaali oo Nabad!

Wixii faafaahin kala Xiriir Ciwaanada ama Numberada hoos ku qoran:

E-mail: [email protected]

E-mail: [email protected]

Mobile: +252616125272 Ama +252615623174

Mahadsanidiin!

HALKAAN HOOS KA DHAGEYSO WARBIXINTA SANADKA

Soo Jeedintii: Cabdifitaax Maxamed Beeska

Halkaan Ka Daawo Sawirada Muadada Sanadka ah

5

7

8

13

21

23

24

26

32

53

56

57

60

74

78

95

96

910

15

16

17

19

25

27

30

31

33

49

54

5862

70

71

7375

94

90

79

80

84

82

76

58

91

93

15

17

2

2942

3744

41

35

122259 65 72 77 83

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]