Warakii Ugu Dambeeyay

Gudoomiye Degmo Dadkiisi u xiiseen” Maxamed Yare “

MUQDISHO: Sanadkii 2011-kii Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalkeena Soomaaliya waxay sanadkaas Muqdisho Macsalaameenaysay Dagaalo Sanado badan soconayeen kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed ALLAH ha u naxriisto dhamaantood, oo Maanta dalka iyo dadkaba u baahnaa ayna dagaaladaasi lahaayeem  Wajiya kala duwan oo aan jeclaysan in qoraalkayga Magacyada Wajiyadaas dagaal aan ku xuso xaalad Amni awgeed.

Mohamed Ali Ahmed

Degmada Xamar jajab oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir Xiligaas waxaa Gudoomiye ka ahaa Mudane, Maxamed Cali Axmed oo ku magac dheeraa {Maxamed yare } Waxaa uu Waqtigiis inta badan ku bixiyay in uu guto Waajibaadkii Xilligaas u igmadeen Shacabkiisa Soomaaliyeed gaar ahaan  gudoomiyihii  Xilligaas ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur { Tarsan { oo isaga Maxamed Cali si gaar ah ugu magacaabay Xilkii Gudoomiyaha degmada Xamar jajab, hadana ah Musharax Madaweynimo Doorashada aan la ogeyn ee dhacayso Bisha October ee soo-socota Sanadkaan 2016-ka.

Mudane, Maxamed Cali Axmed waxaa uu ka mid ahaa 16 Gudoomiyaal degmo oo xiligaas dhamaantood ku shaqeenayeen Marxalada adag dhinaca Amaan hagu darnaato Marka laga reebo degmada kaxda oo gadaal loogu soo daray degmooyinka gobolka, iyadoo aan dhamaanteen ognahay  in Xilligaas Caasimada Umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ay ka baxeen Kooxda Al-shabaab oo in mudo Muqdisho kula dagaalamayeen Dowlada Soomaaliya oo ay garab ka heleyeen Ciidamada Amisom, oo ku jooga dalkeena Magaca Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

inkastoo ay adkeyd Marxalada Xilligaas lagu noola, in laga Sheekeeyana aysan haboonayn hadana waxaa wax lagu farxo ay noqotay in Degmada Xamar Jajab oo gudoomiye ka ahaa Maxamed Cali Axmed uu hormar badan ka sameeyay mudadii uu xilka ka haayay dhinacya badan oo aan Sheegi karno Sida, Amaanka Degmada, La Shaqeynta Hay’adaha Amaanka Dowlada, isdhaxgalka Bulshada iyo Caawinta dadka danta yar, isagoona inta badan Waqtigiis siin jiray in uu caawiyo Dadkii saameeyay Abaarihii 2011-kii ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalkeena Soomaaliya.

25 Sano ka dib Markii ugu horeesay Dadka Diaspora loo yaqaano ama qurba joogtada ayaa dalka dib ugu soo laabatay si ay u arkaan isbedelka Amaan ee xiligaas la gaaray, Degmada Xamar jajab waxay nasiib u yeelatay soo dhaweyn dad Bulshada Soomaaliyeed Magac ku leh muddo badan aysan arkin Caasimada dalkooda hooyo Ee Soomaaliya, Sida fanaaniin aan halkaan Maanta kusoo koobi Karin Magacyadooda Laakin aan ka soo qaadanayo Dhowr fanaan, Maxamed Xasan Xuseen lafoole, Ramxa Ruuxi, farxaan Xidig iyo Waliba Fartuun Birimo oo Markii ugu horeesay tan iyo burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya ay dalka dib ugu soo laabtaan markoodi ugu horeesay.

Fanaaniinta aan Magacyadooda kor ku xusay Waxay Muqdisho ay kuwada qabteen Bandhigyo ay ku muujinayeen waxaa ay dalku ka aaminsanaayeen iyo sida Amaanka dalka la isku haleyn karo Xilligaasi, waana mida maanta keentay in Muqdisho fanaaniin fara badan usoo shaqa tagaan Xilliyada Dabaaldegyadu ay jiraan.

Sanadkii 2012-kii Maxamed Cali Axmed waxaa uu gudoomiyaasha dhiggiisa kale kaga duwana, oo waxaa uu nasiib u yeeshay isagoo gudoomiye degma ah in degmadiis lagu qabto markii ugu horeesay doorasha ka dhacda gudaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Mudisho, taas oo degmadiisi inta badan la saaray soo Dhaweynta Musharixiinta iyo Sugida Amaanka ee degmada, ka Shaqsi ahaan isagana isku howlay isaga iyo Waliba koxdiisa intii tabartooda ahna ay dadaaleen, waana Tii Allah noo suurtagaliyay in Madaxweynaha Cawaa Waqtigiis ku eg-yahay Xasan Sheekh Maxamuud 12:00 10/09/2016 habeenimo lagu doorto si Nabad ah Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Su’aasha aan halkaan Aqristiyaasha qoraalkaan ku weydiinayo ayaa ah Ma la oaran karaa Doorashadii 2012-ka ka dhacday Muqdisho in hada ay ka dhici karto isla Caasimada Muqdisho ?

Maxaa Dhacay Doorashada ka dib ?

Nasiib xumo, waxaa doorashada ka dib is bedelay si aan loo maleenaynin ayna u muuqatay in la burburinayay Nidaam Dowladeed oo dhisan waana mida dhacday hada dhamaanteena aan wada arganay Natiijadii ka dambeesay, Saandkii 2014-kii waxaa Xil ka qaadis lagu sameeyay Dhamaan gudoomiyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay soo halgameen Marxalado adagna kusoo wada shaqeeyeen Tusaale waxaa nagu filan Maamo Deeqo Cabduqaadir gudoomiyihii Warta Nabada ee Xilligaas sida ay ka dhigtay & sida ay ahaan jirtay degamada, Maxamed yare iyo Asxaabtiis oo ugu horeeyo gudoomiyihiisa gobolka in xilka ku waayaan iyagoo xitaa lagu Abaal marinin howlihii ay bulshada waqtiga adkaa usoo qabteen, waxaa la magacaabay gudoomiyaal la sheegay in Muugaab isku fasal Jaamacadeed ay ahayeen qaarkood iyagoo Jagada ku cusub durba musuq ku kaceen ay arinta gaartay in la cafiyo oo damaanad lagu sii daayo, Sugid Amni iskaba daa warkiis.

Hadaba soo Lama dhihi karo Maxamed Cali Axmed waxaa uu ahaa” Gudoomiye Degmo dadkiisi u Xiiseen ? sababta aan ciwaankayga qoraalka uga dhigay qoraalkaan ayaa ah Dhawaan ayaan booqday meelo ka mid Degmada Xamar Jajab, gaar ahaan goobaha ay degan yihiin dadka danta yar su’aal kasta aan weydiiyo in aan xogtooda  helo, iyga ayaaba igaaga soo hormaraya hadalo ay ka mid yihiin” Hormar bulsha aan aragno Maxamed Yare Xilligiis ayaa nagu dambeesay” iyo hadalo kale oo caloosha ku hurinaya, aadan Awood u laheyn in Xilligaan wax ka qabatid.

GABA-GEBO, Qoraalkayga ma ahan in aan mucaaradsan nahay gudoomiyaasha hada shaqeenaya iyaga qudhooda waxbay qabteen Laakin Maalintood taariikhda ayaa xusi doonta, waxaase ogaata Howlwaliba Baahideeda marka ay timaado in la shaaciya ayaa haboon in Maxamed Cali Axmed Ex gudoomiyihii hore ee degmada Xamar jajab in hada la xasuustana baahi ayaa keentay, Anigana Waxaan Leenahay gudoomiye Guul Wacan!

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]