Warakii Ugu Dambeeyay

Sawiro:- Danjiraha Cusub ee Yaman oo Waraaqihiisa aqoonsiga looga Gudoomay Dalka Sucuudiga…….

Danjiraha Cusub ee Dowlada  Somaliya dhawaan u magacaabay Dalka Yaman
Danjire Cabdulaahi Xaashi Shuuriye ayaa Rasmi ahaan ah Nuqulka Waraaqaha
Aqoonsiga ee Danjirenimo Ugudbiyey Wasiirku Xigeenka Arimaha Dibada Dalka
Yaman Dr Mansuur Cali Bagaash.

Hadaba Munaasabada Gudbinta Nuqulka Waraaqahaasi aqoonsiga danjirenimo oo
ka dhacday Xafiiska Wasiirka Kuxigeenka arimaha Dibada Ee dalka Yaman uu ku
leeyahay Magaalada Riyaad ayaa Waxa ay labada dhinac isla soo qaadeen arimo
Saameeya Sii Xoojinta Xeriirka& iskaashiga  ka dhexeeya labada dal & labada
shacbi ee Somaliya & Somali iyagoo isla markaana kawada hadlay Sidii labada
dhinac ay isaga kaashan lahaayeen Ladagaalanka Waxa loogu yeero
Argagaxisada iyadoona wasiirkuxigeenka Arimaha Dibada uu balan qaaday iney
Gacan weyn kusiin doonaan Danjiraha Cusub ee Somaliya usoo magacowday yaman
Habsami ugudashada howlihiisa Danjirenimo oo uu wakiil uga Noqon doono
Dalka Yaman.
Munaasabadaasi waxaa Goob jooog ka ahaa Xogayaha Koowaad ee Safaarada
Somaliya ay kuleedahay Magaalada Riyaad Aamiina Iikoow & Masuuliyiin ka
tirsan Wasaarada Arimaha Dibada.

IMG-20161207-WA0029IMG-20161207-WA0028

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]