Warakii Ugu Dambeeyay

Aktarada Caanka ah ee Kajol oo shaacisay sababta ka dambeysay iney Ajay Devgn uu Guursado

kajol-ajay-759Inkastoo Ajay Devgn uu sanadkiii 1999-kii uu ahaa Wiil aad u qurux badan hadana aad u jiliin fiican,hadana waxaa jirta sabab kale oo Kajol ay u dooratay iney guursato Ajay.

1999-kii guurkii ugu weynaa Bollywoodka ayaa dhacay oo waxaa is guursaday Ajay iyo Kajol.

Hadaba Kajol ayaa la weydiiyay sababta ugu weyn ee Ajay Devgn ay u guursatay.

Waxaa ay ku jawaabtay Kajol sababtoo ah waxaa ay rabtay iney hormar weyn ka gaarto Filimada maadaama magaceeda iyo magaca ninkeeda oo isutaga ay wax weyn ka qaban karto hormarkeeda Filimada.

Dhinaca kale Kajol ayaa cadeysay marka Ajay ay guursatay kadib iney go’aan ku gaartay iney wax ka badasho howsheeda Filimada.

Yacni inta aysan guursan waxaa ay sheegtay in sanadkii 4 filim ay keeni jirtay laakiin guurkeeda kadib waxaa ay shaacisay in sanadkii hal filim uu ku filan yahay.

Kajol ayaa Ajay u dhashay labo caruur oo kala ah Nysa iyo son Yug,waxaana la xusuustaa 2003 dhalashada gabadheeda kadib iney keentay filimo ay kamid yihiin “Fanaa”, “U Me Aur Hum”, “My Name Is Khan”, “We Are Family” iyo“Toonpur Ka Superrhero”.

Filimkeedii ugu dambeeyay ay keentayna waxaa uu ahaa Dilwale oo Shah Rukh Khan ay la waday.

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]