Warakii Ugu Dambeeyay

Alshabaab” Maxay u weeraraan Hotelada??

alidhere

Muqdisho:- Afhayeenka guud ee ururka Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa ka hadlay arimo badan oo kusaabsan dalka.

Wareysi uu siiyay Shiikh Cali Dheere taleefishinka Aljazeera ayaa marka hore ku timaamay doorashooyinka dalka ka dhacaya inay yihiin Xulasho.

Afhayeenka Ururka Alshabaab ayaa sidoo kale ka hadlay weerarada Hotelada ay ku qaadaan ururka Alshabaab. Waxana uu sheegay in Hotelada ay weeraraan ay yihiin kuwo boqolkiiba 95 la shaqeeya dowlada ayna iyagu weerarin hotelada caadiga ah.

Inta badan Hotelada kuyaala magaalada muqdisho waxa ka dhacay weeraro aad u xooganaa oo ay dad badan ku dhinteen weeraradaas waxaa sheegtay kooxda Alshabaab.

 

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com