Warakii Ugu Dambeeyay

AMISOM” Ciidanka Burundi kama Baxayaan Soomaaliya

afhayenka-AMISOM-Col-Joe-Kibet-620x330

Muqdisho:- Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa beeniyay in Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya ay ka baxayaan dalka kadib markii Madaxweynah Waddanka Burundi uu ku hanjabay arrintaas.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya Joe Kebit ,ayaa sheegay in Ciidanka Burundi aysan ka baxeyn Soomaaliya.

“AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo wadajira waxaa loo dhiibay mas’uuliyadda amniga doorashada,xaqiijinta amniga,Musharrixiinta,Wufuudda ka qeyb galeysa doorashada amniga Xildhibaannada iyo dhamaan wixii la xiriira amniga doorashada Soomaaliya,waxaa hadda dhamaatay doorashada xubnaha Golaha shacabka iyo aqalka sare,walina waan taageereynaa,waxaana rajeyneynaa in inta dhiman ay nabad ku dhacdo”

Hadalkaan kasoo baxay Afhayeenka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya Joe Kebit, waxa uu imaanayaa xili madaxweynaha dalka Burundi uu sheegay in ciidankiisa uu kasaarayo Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, hadii ayuu”yiri lasiin waayo mishaaraadka ay xaqa u leeyihiin ciidankeena.

 

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com