Warakii Ugu Dambeeyay

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Oo la siiyay mushaaraad kooda

Boolis

Muqdisho- Tabiye.com– Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa muddo siddeed bilood kadib la siiyay mushaarad iyadoo mushaarkaasina uu yahay kii ugu horeeyay ee ay bixiso dowlada tan iyo markii uu xafiiska Madaxweynaha la wareegay Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Qaar kamid ah Saraakiisha ciidamada Booliska waxa ay sheegeen inay tahay tii ugu horeysay ee ay helaan muddo siddeed bilood ah.

Dadka ehelka u ah dhanka amaanka waxa ay sheegayaan in arintaani ay tahay talaabadii ugu horeysay ee uu qaado Madaxweyne Farmaajo taasoo ah bixinta mushaaraadka ciidamada, waxana ay ku soo beegantay iyadoo shalay uu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay safiirka u fadhiya Soomaliya dowlada Maraykanka sidii looga caawin lahaa dowlada Soomaaliya bixinta mushaaraadka ciidamada.

Dhanka kale ciidamada xoogga dalka ama Milatariga ayaan iyaguna helin wax mushaar ah muddo gaareysa siddeed bilood,waxana ay ciidamada Milatariga ay si weyn u soo dhoweeyeen doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in la dhisi doono ciidamo Soomaali ah, kuwaasoo awood u yaalanaya in ay badalaan ciidamada nabad ilaalinta dalka u jooga ee AMISOM.

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]