Warakii Ugu Dambeeyay

Ciidamanka AMISOM oo Xasuuq ka geystay Gobolka Shabellaha Hoose

AMISOM

Baraawe:- Wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM Gelinkii Dambe ee Shalay Degaan lagu magacaabo Wareer-male oo Hoostaga Degmada Baraawe ku dileen Labo Wiil oo Walaalo ah oo Xilligaas keel la joogay ama ilaalinayay.

Magacyada Labada Wiil ee la dilay ayaa lagu sheegay C/raxmaan Xasan oo 17 Sano jir ah iyo Cabdi Xasan oo 15 jir ah sida ay sheegeen Ehelka Wiilashaas la dilay.

Ciidamada AMISOM ee dilka ugeystay labadaan wiil ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku siijeedeen Magaalada Baraawe Gobolka shabeelaha Hoose.

waxaana sidoo kale Shalay Baraawe tagay Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Uganda.

Waxaa xusid mudan in Bishii hore Ciidanka AMISOM ay Gobolka Shabellaha Hoose ku dileen 11 Ruux oo Carruur iyo Haween ay ku jiraan.

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com