Warakii Ugu Dambeeyay

Daawo: Fanaan Caan ah oo iskaga Baxay Fanka,Maxaa ku kalifay

Maxamuud Cali Xaafuun ”Amoore” ayaa ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana uu maanta sheegay inuu isaga baxay gebi ahaanba fanka.

Amoore ayaa 13 sano ku ku soo jiray Fanka, waxaana uu ka mid ahaa Fanaaniinta Soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahay codka macaan ee ay heesaha ku qaadaan.

Maxamuud Cali Xaafuun ”Amoore” ayaa sheegay inuu Fanka uga baxay ALLE darti iyo codsi uga yimin hooyadii dhashay, waxaana uu dalbaday ineen loogu yeerin fanaan.

Amoore ayaa dadka Soomaaliyeed ee dhagaysta ama daawada heesihiisa ka codsaday ineysan dhagaysan oo ALLE darti ay isaga daayaan.

Masha’ALLAH.

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]