Warakii Ugu Dambeeyay

Daawo: Farmaajo oo booqday Isbitaal Madiina

0J1A7165

Muqdisho- Tabiye.com- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay booqday Isbitaal Madiina oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay suuqa Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Waxa uu sheegay in caafimaad deg deg ah oo dhanka diibadda ah loo qaadi doono dhaawacyada daran, si halkaasi loogu soo dabiibo.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku dhinteen ku dhowaad 30 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasi oo isugu jiray dad ka cunteynayay Maqaaxi goobta ku taallay, dad goobo ganacsi halkaasi ku lahaa iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Halkaan ka Dhageyso::::::::::

0J1A7189 0J1A7263-1 0J1A7548

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]