Warakii Ugu Dambeeyay

Daawo:- Farmaajo oo la kulmay Guddiga Abaaraha iyo Beesha Caalamka

Farmaajo1

Muqdisho- Tabiye.com– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiga Gurmadka Abaaraha, Beesha Caalamka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha dalka ka jira.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixin ka dhageystay Guddiga Abaaraha iyo halka ay wax marayaan ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadba ugu baaqay inay ka qayb qaataan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa jira ku dhawaad 3 milyan oo ruux oo ay abaaruhu saameeyeen, Waxaan u baahannahay waxqabad deg deg ah maadaama aysan dadka haatan sugi karin ballan qaadyo fulintooda ay waqti dheer qaadan karto, Waxaan dowladaha saaxiibka ah ka codsanayaa in ay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Ugu dambeyntii Beesha Caalamka ayaa waxa ay sheegtay in ay wadaan dadaalo ay wax uga qabanayaan Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya oo ah kuwo aad u daran, oo ay u dhinteen dad fara badan, kuwa kalena ay hada halis ugu jiraan dhimasho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu wadaa dadaalo ku aadan sidii loo caawin lahaa dadka ay saameysan Abaaraha kajira Gobolada dalka Soomaaliya, Madaxweyne  Farmaajo ayaa waxa uu u taaganyahay sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

Farmaajo-2 Farmaajo-3 Farmaajo-5

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]