Warakii Ugu Dambeeyay

Daawo:- Kulan lagu Taageerayay Madaxweyne Farmaajo oo lagu Qabtay Koonfur Afrika

Farmaajo1

Muqdisho- Tabiye.com- Xafladani lagu taageerayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan bulshada Soomaaliyed qeybaheeda kala duwan Ganacsato, Culumo, Odoyaal, iyo Haweenba.

Masuuliyiintii goobta ka hadashay waxaa kamid ahaa Mahad Cumar Cabdi oo ah ganacsade ku dhaqan Koonfur Afrika ahna saaxiib si gaar ah ugu dhaw Farmaajo ayaa in badan ka hadlay hadafka fog ee laga filan karo inta uu hayo talada wadanka.

Ugu danbeyn waxaa xaflada soo xiray guddiga qaban qaabada xaflada oo iyaguna uga mahad celshay shacabka sida quruxda badan oo ay dareenkooda usoo bandhigeen inkastoo ay u suura galiweysay maqalka codka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo lagu ballansanaa in qadka taleefanka uu uga qeyb galo waqtiga oo xili danbe ahaay.

Ahmiyadda xaflada ayaa waxa ay ahed sidii loo taageeri lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana loo siinlahaa fikir wanaagsan oo noo horseedo amni iyo kala dambeen.

Koonfur Afrika waxaa kunoo gacasato soomaaliyeed oo iyagu mararka qaar la kulma dhibaatooyin isugu jira dilal dhaawac iyo buub loogeysto hantidooda, oo ay kala kulmaan burcad Koonfur Afrika African ah.

2 3

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]