Warakii Ugu Dambeeyay

Daawo:- Mo Farah oo ku guuldareystay inuu difaacdo bilada dahabka ee Orodka 5,000 mitir

Mo-Farah2

Orodyahanka asalkiisa yahay Soomaali ee u orda Britain ayaa kaalinta 3aad ku dhameysttay orodka 5,000 oo mitir, isagoo ku sigtay inuu dhaco ka hor inta aanu soo idlaan Tartanka.

Mo Farah ayaa ku guuldareystay inuu mar kale difaacdo bilada dahabka ee orodka 5,000 oo mitir, kadib markii afar sano ka hor uu ku guuleystay.

Orodyahankan ayaa markii uu tartanka dhamaaday waxaa uu sheegay inuusan u soo kabsan sida uu rabay, kadib markii uu ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 10,000 oo mitir.

Mo Farah ayaa tartankii Olimbikada ee London sanadkii 2012 waxaa uu ku guuleystay orodka 5,000 mitir iyo 10,000 mitir, isagoo dhigay taariikh.

Mr Farah ayaa mar dhici gaaray, markii lugihiisa uu taabtay orodyahan kale oo u dhashay mareykanka, hase ahaatee inta aanu isaga dhicin waxaa dhulka ku dhacay orodyahankaas u dhashay Mareykanka, taas ayaa loo sababeyn karaa inay hakisay inuu kaalinta koowaad galo, waxaana muuqatay inuu la kulmayay loolan aad u adag.

Waxaa uu maalmo ka hor ku guuleystay Orodka 10,000 ee mitir ee Rio, balse waxaa meesha ka baxday hankiisa ahaa inuu mar labaad difaacdo orodka 5,000 mitir.

Mo Farah Mo-Farah3 Mo-Farah2 Mo-FarahFarah

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]