Warakii Ugu Dambeeyay

Deg Deg: Al Shabaab oo Weerar Qarax ku bilaawday ku qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku lee yihiin Deegaanka Halgan

12341590_847879138642615_3799690781407334140_n

Halgan: Sida ay Sheegayaan Wararka ka imaanaya Degaanka  Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa  sheegaya in Rag ka tirsan Al-shabaab ay Saaka Aroortii ay Weerar Xooggan ku qaadeen Saldhig Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin Degaankaasi Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa isugu jiray Qaraxyo iyo mid Toos ah,iyadoo halkaa uu ka dhacay Dagaal Xoogan oo mudo qaatay.

Goobjoogeyaal ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay Weerar Dhowr Jeho ah ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee ay ku leeyihiin Degaanka Halgan,waxaana sidoo kale berber socday Weerarka Qaraxyo Xoogan.

Khasaaraha ka dhashay Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degaanka halgan ayaan la ogeyn inta uu le eg yahay.

Mana jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Weerarka lagu qaday.

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]