Warakii Ugu Dambeeyay

Deg Deg: idaacadda Gool FM iyo website-keeda oo la iibsaday

Warar aan helnay ayaa sheegaya in la iibsaday Idaacada iyo websiteka Gool FM oo Mudooyinkii Dambe ka howlgaleysay Magaalada Muqdisho

Idaacadda Gool FM waxaa iskalahaa oo ay ka tirsaneyd shirkadda Smart Group oo ah shirkadd ganacsiga,waxbarashada iyo warbaahinta ka shaqeysa.

Shaqaale ka tirsan Gool Fm ayaa inoo xaqiijiyay Wararkaasi kuwaasi oo tilmaamay in ay jiraan

“48-dii saac ee lasoo dhaafay dadka ugu badan ee iga soo wacay dalka iyo dibadda waxaa ay I weydiinayeen wararka sheegaya in la iibsaday Idaacadda Gool FM iyo website-keediiLaakiin waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo dhamaan asxaabta ku xiran Goolfm meel kasta oo ay aduunka ka joogaan inuu warkan yahay mid run ah oo idaacadda la iibsaday laakiin ay shaqadeedu sidii hore iyo si ka fiican usii socon doonto” sidaasi waxaa sheegay qaar ka mid ah Shaqaalaha GoolFm

Abdalla Hassan Baliil waxa uu ka mid yahay Shaqaalaha GoolFm waxa uu sheegay in ay aritaasi jirto
“Ma’ahan wax la qarinaayo iibka idaacadda taas oo noqotay idaacaddi ugu horeysay ee Soomaali ah o si hufan loogu kala iibsado suuqa xorta ah iyo midii ugu qaalisaneyd”
Abdalla Hassan Baliil ayaa intaa ku daray “Iibkan ma badali doono idaacadda iyo shaqadeeda laakiin waxaa is badalay milkiilayaasha,waxaan u mahadcelineynaa milkiilayaashii hore ee Gool FM oo idaacadda garsiiyay iney noqoto mida ugu saameynta badan dalka iyo tan ugu dhageystayaasha badan”

Abshir Bukhaari oo ah hada milkilaha Idaacadaha GoobjoofFm iyo Maandeeq ayaa iibsaday Idaacada Gooldm Sidaasi waxaa noo sheegay Shaqaalaha Qarkood uu maanta la kulmay

idaacadaan oo ku dhawad Afar  Sano Shaqeynsay ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa laga dareemay dhaqaali yari soo wa jahday taasi oo keentay in Shaqaalaha qaar Shaqada laga joojiyo Halka kuwo kalana lagu sameeyay Mushaar Dhimis

Idaacada GOOLFM ayaa hada gashay Marxalada Cusub waxaa jiray Shaqaalo Naftooda u huray waxaana laga yaabaa in isbadal lagu sameeyo Shaqaalaha

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]