Warakii Ugu Dambeeyay

Deg Deg: Madaafiic lagu Weeraray Xarunta Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Goobjoogayaal ayaa noo Xaqiijiyay in Tiro Madaaciif ah lagu weeraray Xalay saqdii Dhexe Xarunta Xalae oo ay Degan yihiin Ciidamada AMISOM iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee aadan cadde.

Madaafiicda intooda Badan ayaa waxaa la Sheegay in ay ku Dhaceen Meel aan Sidaa uga Fogeyn Xarunta Xalane ku Dhawaad Lix Madfac ayaa si toos ah loogu weeraray Xaruntaasi.

Dad ka Agdhawaa Goobta ayaa tilmaamay in ay ka War Heleen Jugta Madaafiic Xoogan oo aysan Garan Halka laga Soo Tuuray Balse ay ku Dhaceen Xarunta Xalane.

Sidoo Kale wararka waxa ay intaasi ku Darayaan in ay jiran Madaaciif Kale oo ku Dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho oo aan Sidaa uga Fogeen Xarunta Xalane.

Qasaaraha Madaafiicdaasi ay geesatay la ma Oga AMISOM iyo Dowlada Federaalka Wali kama aysan Hadlin Weerarkiisi.

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]