Warakii Ugu Dambeeyay

Deg Deg: Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ka Badbaaday isku Day Dil.

Jig-jiga : Warar aan  helnay ayaa sheegayo in Xalay uu isku day dil ka badbaaday Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wararka ayaa intasi ku Daraya in Madaxweynaha oo joogay Goob Baar ah xiligii Furka ay isku Dayeen Sedex Ruux oo la sheegay in ay ku Hubeesnaayeen Tooreeyo islamarkaana Doonayay in ay Dilaan.

Ilaalada Cabdi Maxamuud Cumar ayaa arkay Kooxdaan waxa ayna ku Fureen Rasaas kentay in ay Kooxta iskaga Baxsadeen Goobta.

Falkaan ayaa ka Dhacay  Galbeedka Magaalada Jig jiga sida ay noo sheegeen  Dad Goobjoogayaal ah waxaana goobta hada ku sugan Ciidamo ka tirsan Maamul Jig jiga.

Kooxdan ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin Dad u Dhashay Deegaanada Soomaaliland Gaar ahaan Deegaanadii ay Ciidamada Liyuu Booliska ku Xasuuqen Dadkii Shacabka ahaa.

Maamulka Jig jiga Wlai kama Hadlin Arintaan waxa ayna ku Amreen Warbaahinta Deegaanadaasi ka Howlgasha in aysan Baahin Warkaan inkastoo aan ilo lagu Kalsoon yahay ay noo xaqiijiyeen Wark.

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]