Warakii Ugu Dambeeyay

DEG DEG: Qarax Gaari oo ka Dhacay Muqdisho

War Deg Deg ah Tabiye

Muqdisho- Tabiye.com- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Nawaaxiga Maqaaxi ku taalla Isgoyska kaawo Godey ee Degmada Wadajir.

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen sida ay Tabiye.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Maqaaxi oo aad Mushquul ahaa iyadoona khasaaraha ugu badan dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa uu soo gaaray.

Ma cadda Bartilmaameedka Qaraxaasi khasaaraha xoogan geystay ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wixii Dheeraad ah Lasoco Tabiyenews.com

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]