Warakii Ugu Dambeeyay

Dhageyso: Caasho Xaaji Cilmi oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ay diideen in ay soo gasho Aqalka Hoose

Xildhibaanada Caasho Xaaji Cilmi oo ah Marwada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kan Galmudug ay diiden in ay ka mid noqoto Xildhibaanada Cusub.

Kulan ka dhacay Magaalada Cadaado aya arintaan looga hadlay waxaana la sheegay in  Kursiga Caasho xaaji la doonayo in Dad kale ay Xoog ku qaataan taasina ay dhici Doonin.

Nabadoon Goobta ka  hadlay ayaa weerar afka ah ku qaaday Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ay Sheegeen in uu hor taagan yahay Caasho xaaji Cilmi lana aqbali doonin Arimahaasi

Halkaan ka Dhageysi Hadalka Caasho Xaaji Cilmi  

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]