Warakii Ugu Dambeeyay

DHAGEYSO: Cumar C/rashiid” Waxaa bilaaban doona Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub.

Cumar_Cabdirashiid_Cali_Sharmaarke_HOL-640x441

Jabuuti: Ra’iisul Wasaaraha Dowldda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa rajo wanaagsan waxa uu ka muujiyay in waqtigeeda ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowldda Federaalka Soomaaliya oo Magaalada Jabuuti kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu kaga warbixiyay halka ay marayaan arrimaha Doorashooyinka.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke  ayaa Madaxweynaha Jabuuti waxa uu kaga tacsiyadeeyay Askartii u dhalatay Jabuuti ee lagu laayay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Shabaab ay ku qaadeen xero Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin maalmaha soo socda in Deegaanada Gobolada Dalka ee ay ka dhacayaan Doorashooyinka in ay ka bilaabato Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub.

Dhawaan waxaa lafilayaa in soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho maadaama ay dhamaatay xiligii loo qabtaya dowladda uu iminka hogaaminayo xasan sheikh maxamuud,waxaana jirta walaac ku aadan dib u dhac ku yimaada Doorashada sanadkaan.

Halkaan ka Dhageyso codka :

 

 

 

 

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]