Warakii Ugu Dambeeyay

DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho Oo ka Walaacsan xirnaanshaha Wadooyinka xilliga Doorashada

Shacabka

Muqdisho:- Dadka kunool Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in dhibaato weyn ay ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka xilliga Doorashada.

Qaar ka mid ah shacabka oo nala hadlay waxa ay sheegeen in aysan aadi karin goobaha waxbarashada iyo shaqooyinkooda, maadaama ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho xilliga Doorashada.

Sidoo kale shacabka Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen walaac badan in ay ka muujinayaan Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo mid Madaxweynaha, maadaama maalmahaas uusan jirin wax dhaq dhaqaaq.

Halkaan ka Dhageyso Codka :::::::::::

 

 

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com