Warakii Ugu Dambeeyay

Dil ka dhacay Isgoyska Dabka ee Muqdisho

da

Muqdisho:- Wararka ka imaanaya wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dil uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda.

Askariga ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo saarnaa Gaari nooca Hiluxes ah ayaa waxa uu Rasaas ku furay Nin la socday Gaari nooca Aaliyoonka ah, kadib markii Askariga uu Ninka dhowr jeer ku amray inuu dib uga dego Gaariga ay wateen.

Askariga ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, ayaa sidoo kale Rasaasta uu furay waxaa dhaawac ka soo gaaray Labo Qof oo shacab ah.

Lasoco wixii Dheeraad ah Tabiyenews.com

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com