Warakii Ugu Dambeeyay

Dowladda Burundi oo shaacisay inay helayso mushaaraadka Ciidamadeda

Burundi

Bujumbura- Tabiye.com- Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Burundi, Gaston Sindimwo ayaa waxuu sheegay in heshiis horleh ay la galeen Madaxa Nabada iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika, Smaïl Chergui .

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa waxuu qiray in laga qanciyay tabashadooda, islamarkaana loo balan qaaday in la bixiyo mushaaraadka Ciidamadooda oo in muddo ah aysan qaadan, sida uu hadalka u dhigay.

Heshiiska Burundi iyo Midowga Afrika ayaa waxuu dhigayaa in la bixiyo mushaaraadka Ciidamada Dowladda Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda Dalka Soomaaliya.

Howlgalka AMISOM ayaa waxaa qeyb ka ah qiyaas ahaan 22 Kun oo Askari, kuwaasi oo ka soo kala jeeda Dalalka Uganda, Burundi, Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo kuwa kale, oo ku sugan Dalka Soomaaliya.

 

 

 

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]