Warakii Ugu Dambeeyay

Faah Faahin: Khasaaraha ka Dhashay Qarax ka dhacay Degmada Wadajir

Deg Deg

Muqdisho- Tabiye.com- Warar dheeraad ah ayaa waxa ayaa kasoo baxaya Qarax loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Nawaaxiga Maqaaxi ku taalla Isgoyska kaawo Godey ee Degmada Wadajir.

Qasaaraha dhimasho ee sababay Qaraxa ayaa waxa uu gaarsiisan yahay Ilaa 10 qof halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen sida ay Tabiye.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta, si ay u soo qaadaan dhaawacyada halkaasi yaalla, si loo gaarsiiyo Isbitaalada oo xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Ma cadda Bartilmaameedka Qaraxaasi khasaaraha xoogan geystay ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wixii dheeraad ah Lasoco Tabiyenews.com

qaraxa1 qaraxa2 qaraxa5

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]