Warakii Ugu Dambeeyay

Faah Faahin Qarax ka dhacay Duleedka Beledweyne

Qarax-beledweyne

Beledweyne-Tabiye.com- Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax aad u xoogan.

Faah Faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo nuuciisa ahaa Miinada dhulka waxa uuna ka dhacay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad barkoontarool u taallay meel dulleedka ka ah magaalada Beledwyene.

Inta la xaqiijiyay 1 Qof oo shacab ah ayaa ku geeryooday, 4 Qof oo ka tirsan Maleeshiyadii Isbaarada u taallay ay ku dhaawacantay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka oo goobta gaaray.

Maalmihii dambe kooxo Maleeshiyad ah waxa ay isbaarooyin ay ku dhibatenayaa dadka rakaabka ah ay u taalay Duleedka Magaalada Beledweyne.

Nagala Soo Xiriir:- [email protected].com