Warakii Ugu Dambeeyay

Farmaajo” Dagaalka Al-Shabaab ha lagu soo Afjaro 2-Sano

0J1A6642-1024x683

Muqdisho- Tabiye.com- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka codsaday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM in muddo labo sano ah in ay kusoo Afjaraan dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan looga hadlayay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab waxa uu la qaatay Saraakiisa dowladda iyo Gudoomiyaha AMISOM Francisco Madeira.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka AMISOM laga doonaya in a muujiyaan kaalintooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Gudoomiyaha AMISOM Francisco Madeira, ayaa sheegay in ay balan qaadayaan in ay qaadaan tilaabo walbe oo labada sano ee socota Al-Shabaab looga guuleysan karo.

 

0J1A6693-1024x683 0J1A6697-1024x683 0J1A6907-1024x683

0J1A6642-1024x683

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]