Warakii Ugu Dambeeyay

General Katumba Wamala oo Gaaray Degmada Baraawe

AMISOM

Baraawe:- Taliyaha Milaterigga Wadanka Uganda General Katumba Wamala oo maal mahaan ku sugnaa dalka ayaa manta booqasho ku tegay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose

Safarka waxaa ku wehlinaya Taliyaha Howlgalka AMISOM Gen Osman Nur Soubagle,Saraakiil Soomaliyeed.

Ujeedka Taliyaha Milaterigga Wadanka Uganda General Katumba Wamala, uu Degmada Baraawe u gaaray ayaa lagu sheegay sidii ciidanka AMISOM ay u xaqiijin lahayeen amaanka Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliyaha Milaterigga Wadanka Uganda General Katumba Wamala waxa uu warbixin ka dhageystay Saraakisha Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo ka warbixiyay wada shaqeynta labada dhinac.

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose waxaa dhowrjeer ka dhacay weeraro aad u culusaa oo ay shabaab kusoo qaadayeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com