Warakii Ugu Dambeeyay

Jubbaland” Waan ka baxnay Qorshaha Qaranka oo ay dejisay Dowladda Federaalka

jubba

Kismaayo:- Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland oo lahadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaan Maamulka Jubbaland uu isaga baxay Qorshaha Qaranka oo ay dejisay Dowladda Federaalka.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay arrintan in ay timid kadib markii sida uu tilmaamay maamulka Jubbaland ay ka caroodeen tirada dadka ku nool Degaanada Jubbaland oo lagu sheegay Hal Milyan iyo Bar, xilli uu sheegay in intaasi ka badan ay ku nool yihiin Degaanada Maamulka Jubbaland.

Waxaan soo bandhigeynaa  warqad aan ku cadeynayneeno in aan ka baxnay Qorshaha Qaranka waxaana u diraynaa Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Maamulka jubbaland waxa uu sheegayaa in dad badan ay kunoolyihiin, Gobolka Jubbada Hoose, jubbada dhexe iyo Gobolka Gado.

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com