Warakii Ugu Dambeeyay

Kenya oo gacanta ku dhigtay 3 Ruux oo doonayay inay ku biiraan Xarakada Shabaab

Kenya

Mandeera: Booliska Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigay 3 Ruux oo isugu jira Kenyaa iyo Ugandhees, kuwaasi oo doonayay in ay ku biiraan Xarakada Al Shabaab.

Sarkaal Boolis oo ka tirsan Ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Elias Korir ayaa sheegay Muwaadin Kenyan ah iyo labo kale oo ka soo jeeda Dalka Uganda in la xiray iyagoo qorsheynaya in ay ka mid noqdaan Al Shabaab.

Sarkaalkan ayaa waxuu tilmaamay in Muwaadinka Kenyaanka ah la aaminsan yahay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa dhinaca amniyaadka ee Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyo Bari ee Dalka Kenya.

Maxkamad ku taalla Magaalada Mandeera ayaa u ogolaatay Ciidamada ka hortaga falalka argagixiso in baaritano dheeraad ah ay ku sameeyaan 3-dan Ruux oo lagu qabtay Xadka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]