Warakii Ugu Dambeeyay

Kulan lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo

Maxamed Farmajo

SudanTabiye.com- Kulankaan lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya ayna ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sudan ayaa lagu qabtay magaalada Khartum.

Ahmiyadda kulanka ayaa waxa uu ahaa sidii loo taageeri lahaa Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana si wadajir ah uga qeybgalay diplomaasiyiinta safaaradda, Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Sudan, Midowga ururka ardayda Soomaaliyeed, ganacsato iyo waxgarad kala duwan.

Xoghayaha guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan Cabdi-wali Xasan Xuseen “Fadiilatuh” oo ka hadlay goobta ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay la shaqeynaa dowladda madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha la doortay ayaa ku caanbaxay waxqabad waxa uuna sheegay in dowladdaan cusub ay leeyihiin shacabka Soomaliyeed.,

 

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]