Warakii Ugu Dambeeyay

Madaxweyne Buhari oo xaaskiisa u sheegay inay jikada ku ekaato

_91922865_aishabuhari

Nigeria : Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhamadu Buhari oo booqasho ku jooga dalka Jarmalka ayaa jawaab ku haboon siiyay Xaaskiisa Caasha , kadib markii ay xaaskiisa dhaleeceesay Siyaasada uu ku shaqeenayo Odaygeeda.

Muhamadu Buhari oo ka jawaabayay dhaleeceynta uga timid xaaskiisa ayaa sheegay in uusan fahmin waxa ay ka hadleyso sidoo kale uusan garaneyn xisbiga ay katirsan tahay Xaaskiisa Caasha, waxa uuna kula taliyay in ay ku ekaato howsha Jikada.

Xaaska Madaxweynaha dalka Nageria Caasha ayaa sheegtay in ay kasoo horjeedo siyaada uu Odaygeeda wax ku maamulayo, waxa ayna cadeesay in aysan taageeri doonin Duqeeda hadii uusan isbadal ku sameyn waayo Dowladiisa.

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa hadalada dhaleeceynta ah ay is dhaafsadeen Madaxweynaha dalka Nageria Muhamadu Buhari iyo xaaskiisa, waxa ayna sheekadan noqotay mid si weyn caalamka looga hadal hayo.

puha_1 puha_5 _91922865_aishabuhari

 

 

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]