Warakii Ugu Dambeeyay

Madaxweyne Farmaajo” Halaga Qeybqaato Gurmadka Abaaraha

Farmaajo-2

Muqdisho- Tabiye.com– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa  Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka waxa uu shalay kala hadlay sidii gurmad wadajireed loogu sameynlahaa dadka ay sameesay Abaaraha kajira Gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa jira ku dhawaad 3 milyan oo ruux oo ay abaaruhu saameeyeen, Waxaan u baahannahay waxqabad deg deg ah maadaama aysan dadka haatan sugi karin ballan qaadyo fulintooda ay waqti dheer qaadan karto, Waxaan dowladaha saaxiibka ah ka codsanayaa in ay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Ugu dambeyntii Beesha Caalamka ayaa waxa ay sheegtay in ay wadaan dadaalo ay wax uga qabanayaan Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya oo ah kuwo aad u daran, oo ay u dhinteen dad fara badan, kuwa kalena ay hada halis ugu jiraan dhimasho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ayaa waxa uu dadaal xoogleh kubixinayaa sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ee gaajada iyo Abaaraha ay kusameyeen Qaarkamid ah Gobolada dalka Soomaaliya .

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]