Warakii Ugu Dambeeyay

Madaxweyne farmaajo oo si kulul uga hadlay Qaraxii Shacabka Lagu laayay

Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay dadka ku geeriyooday Qaraxa maanta Argagixisada ay ku laayeen dadka maatada ah.

Sidoo kale Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ayaa caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay Qaraxan oo dhamaantood ah dad shacab ah.

“Qaraxii ka dhacay suuqa kaawo-godey ee Degmada Wadajir wuxuu cadeyn u yahay bahalnimada Al-shabaab, Shacabka iyo Ciidamada waa in ay hal meel uga soo wada jeestaan, si looga guuleysto” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ku dhowaad 30-Qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxa maanta Al-Shabaab ay ka geysteen Suuq ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana tani ay muujinaysaa Al-Shabaab inaysan u kala soocnayn Shacab iyo Masuuliyiin.

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]