Warakii Ugu Dambeeyay

Uhuru Kenyatta” Soomaaliya Wadada hormarka ayee cagta Saartay.

keneyttra

Nairobi- Tabiye.com- Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay xil wareejintii shalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub.

Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorashadii 8-dii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho, shalayna uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in hada uu yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah.

Mudooyinkii dambe waxaa isa-sootarayay hamba taageerada iyo soo dhaweynta loo sameynayay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

 

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]