Warakii Ugu Dambeeyay

Magacyada Jilayaasha filimka K’naan ee ‘Mogadishu, Minnesota’ oo la shaaciyay.

Filimka musalsalka ah ee la magac baxay  Mogadishu, Minnesota , uu soo saaray heesaaga  Soomaaliyeed ee K’naan Warsame oo dhawaan la jilayo ayaa jilayaasha filimkaasi dhigaayo  la magacaabay. 

Soomaali iyo ajaanib badan ayaa ka qeyb galaya waxaana dadkii la magacaabay ka mid ahaa majaajiliistaha Soomaaliga ah ee Ingiriiska  ee Prince Abdi iyo sidoo kale haweeneyda caanka ah ee model ka ah una dhalatay Itoobiya ee Liya Kebede oo horey atriisho ugu aheyd filimkii Desert Flower ee Waris Diiriye laga sameeyay. 

Waxaa sidoo kale ka mid ah jilayaaal Soomaali ah oo gudaha Mareykanka laga wacay kuwaasoo dhawaan laga dhex arki doono filimkan

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]