Warakii Ugu Dambeeyay

Maxaad ka Taqanaa Maalinta Macalinka” Warbixin?

IMG_3347

Maalinta waxa ay ku began tahay 21 Novembar 2016 maalinta macalinka Soomaaliyeed 21 Nonember sanadkii 1974-tii dowladii Soomaaliya ee berigaasi jirtay u aqoonsatay maalinta macalinka Soomaaliyeed, waa maalinta qaran ee dalka loo asteeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, maatna oo kale Soomaaliya waxaa la fasaxay dhamaan dugsiyada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Macalinka oo aan La Qiimaynin

Qiimihii iyo sharafkii uu lahaa macalinka ayaa soomaaliya waxa ay ka noqotay mid aad u liidata, maadaama Mushaar yari, xuquuq la,aan iyo in marar badan Ardeyga laga taageero oo isaga aan waxba loo heysaninba, Macallinka Soomaaliyeed wuxuu wax baridda carruurta Soomaaliyeed gacanta kusoo hayey muddo aad u fog iyo marxalado kala duwan oo qaarkood aad u dhib badanyihiin, macallin barenimadiisa daaro ka jeexday ama hanti kale ka kasbaday, laakiin waxa kali oo hawshiisa dahabka ah oo qiimaha badan uu ka dheefayaa waxay tahay magac, sharaf, ixtiraam iyo in meel kastoo uu tagaba macallin fadhiga looga istaago.

Tirada Dugsiyada oo batay!

Waxbarashadii ganacsi aye noqotey, waxa ka faa,idey Maamulada dugsiyada iyo Ardeyda oo Fahmey in ay awood leeyihiin lacagna laga qaado, Ardeygii Ayaana soo dhex galay Qorshihii shaqo ee xafiiska oo sida uu doono ka yeelaya meelo badan,niyad jabka uu macalinku kala kulmaayo marka uu wax u dhigaayo ardayda ayaa ah wax inta badan la arko, Maamulada Ardeygu lacag Ayuu ku taagan yahay laakiin macalinka iyaga ayaa lacag siiya oo iska tag ayey oran karaan waa sida ay dadka qaarkood qabaan.

Xarfaha uu ka kooban yahay Erayga Macallin

Dadaalkaa miraha dhalayee macallimiintu sameeyeen markii burburku dalka ka dhacay kadib waa sida roob lagu doogsaday, waayo haddii qofba qofku eegan lahaa, gacmahana la iskorsaaran lahaa, dhallinyaro aad u farabadan fursadda ay maanta haystaan ma aysan heli lahayn, iskullo iyo jaamacadana kama soobixin lahayn, sida maanta loo cayntaynna looma cayman lahayn, Xarfaha uu ka kooban yahay Erayga Macallin.

M= Masuul

A= Aqoonleh

C= Caadil ah

A= Anshaxwanaagsan

L= Layliye

L= Leefiye

I= Iftiimiyaha

N= Nolosha

Dhammaan Xarfahaasi waxay u taagan yihiin sifooyinka iyo tilmaamaha wanaagsan ee macallinku leeyahay, iyo xirfadaha uu isticmaalo si uu qofaan wax aqoon uga dhigo qof wax yaqaanna.

Ugu dambeen manta waxaa lagu wadaa in muqdisho iyo Gobolada dalka lagu qabto Xaflado lagu Maamuusayo Maalinta macalinka Soomaaliyeed 21 Novembe.

BY: Yuusuf Maxamed Axmed Sheelare

 

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]