Warakii Ugu Dambeeyay

Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo U Xukuntay Caasho Xuseen Fiidow Wakiil Ahaanshaha Dhulaal Magaalada Muqdisho Ku Yaala

Maama Caasho Xuseen Fiidow oo ah wakiilka hantida dhaxaltooyada ah ee uu ka geeriyooday seygeeda Allaha u naxariistee Abshir Cusmaan Xuseen oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadashay warbaahinta ayaa  Sheegtay  in waxba kama jiraan ay tahay war ay baahisay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho oo lagu been sheegayo shaqsiyadeed in ay rabto in xoog ay ku qaadato Guryo boosas ah oo ku yaala Xaafadda Balagsi  Degmada Howlwadaag ee Gobolka banaadir.

Caasho Xuseen Fiidow  ayaa Muqdisho ugu soo bandhigtay warbaahinta decumentiyo muujinayaa in wakiil ay ka tahay dhaxaltooyada ilmo  Abshir Cusmaan oo ay maxakamadda sare ee dalka ay u xukuntay,  waxaana ay Sheegtay eedaasi waxa sameynaya in ay tahay Maxamed Abshir Cusmaan oo ay eeda u tahay iyada islamarkaana seygeeda Abshir uu dhalay waxa uu u ordayana ay tahay wax aan sharci eheyn maadaama uu dhaxalka wakiilka ay ka tahay uu saami ku leeyahay misana ay wada leeyihiin walaalihiis.

“Waxaana cadeynayaa in si waalidnimo aan wakiil uga ahay dhaxaltooyada allaha u naxariistee Ilmo Abshir Cusmaan,  dhowr jeer oo hore ayay dacwadani soo jiitameysay marxalada kale duwan oo arrintan quseyso ay soo martay ilaa ay ka garatay  maxkamada sare ee dalka ayna diyaar u tahay si siman wiilkan eedada aan u ahay iyo walaalihiis ee aan dhalay loogu qeybiyo,  marka waa nasiib daro in uu ku hadlo waxyaaba aan wanaagsaneyn saxaafaduna iyadoo decumentiyo cadeymo heynin in ay baahiso aysan sax eheyn loona baaahanyahay in la ilaaliyo sharafa shaqsiga” ayay ka tiri Maama Caasho Xuseen Fiidow.

Caasho Xuseen Fiidow oo sii hadashay ayaa  sheegtay in iyadoo xukun ay ka gaartay Maxkamadda sare dalka boosaskaasi oo isugu jira goobo ganacsi, iyo guryo weli ay deganyihiin dadkii laga xukumay,  iyadoo warqad maxkamadda ay u qortay hey’adaha ammaanka oo in laga saaro ah lana fuliyo xukunka maxkamdda weli aan laga saarin,  waxaana ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya oo ay ugu horeyso wasaaradda amniga in loo fuliyo xukunka maxkamadda sare,  inkastoo ay sheegtay in mar ciidamo boliis ah la geeyay boosaskaasi wakiil ahaanshaha loogu xukumay laakiin maleeshiyaad ay soo warareen kaddibna wasaaradda amniga ay hakisay fulinta sharciga.

Boosaskani ayaa waxaa ka geeriyooday Allaha u naxariistee Abshir Cusmaan Xuseen oo ahaa u qeybsamaha dhinaca Militariga ee safaaradda Talyaaniga oo geeriyooday sanadkii 2010-kii wuxuuna ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Halkan ka Fiirso Decumentiyada ay ay u Xukuntay Maxkamadda Sare iyo marxaladihii uu soo maray xukunkaasi Wakiilka Hantidaasi dhaxaltooyada Ah Caasho Xuseen Fiidow.

12

3

56 7 8

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]