Warakii Ugu Dambeeyay

Michael Keatig oo si kulul u Cambaareyay Qaraxii shalay ka Dhacay Muqdisho

Michael-Keating

Muqdisho- Tabiye.com- Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Somaliya Michael Keatig ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay  Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Michael Keatig ayaa Wuxuu ammaan u jeediyay shaqaalaha hay’adaha amniga iyo caafimaadka gurmadkii deg degga ahaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa isaga oo soo jeediyay in caddaaladda la hor geeyo dadkii ka dambeeyay Qaraxaasi.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Somaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii dhibku ka soo gaaray Qaraxii shalay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay doonaayeen in Qaraxaasi ay ku qalqaliyaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed.

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]