Warakii Ugu Dambeeyay

Micheal Keating oo Baladweyne kula kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle

Hirshabeele

Baladweyne:- Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan waxa ay ku waramayaan in magaaladaasi uu manta gaaray Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Keating,waxaana Baladweyne ka gasii horeyay Cali C/llahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Wakiilka Qaramada Midoobey iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, waxa ay magaalada Baladweyne kula kulmeen waxgaradka,dhalinyarada qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Ugaas xassan ugaas khaliif.

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa la sheegayaa in safarkiisa uu la xiriiro taageeridda dadaalka dib u heshiisiineed ee uu magaalada Baladweyne ka wado Madaxweyne Cosoble,iyo abaaraha kajira Gobolka Hiiraan.

 

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com