Warakii Ugu Dambeeyay

Micheal Keating oo ku wajahan Magaalada Beledweyne

Wakiilka Qaramada Midoobey

Beledweyne:- Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating ayaa lagu wadaa inuu booqdo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Booqashada Keating ee magaalada Beledweyne ay ku aadan tahay sidii uu ugu guurgali lahaa abaaraha ka jira Gobolka Hiiraan.

Waxaa sidaasi warbaahinta usheegay Madaxweynaha Hirshabeelle, waxa uuna yiri” Waxaan hore ugaga hadalnay Keating in uu booqdo Beledweyne oo uusan hore u iman iyadoo weliba haatanay soo kordheen abaaro.”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble oo kula hadlay warbaahinta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Shalay waxaa magaalada Beledweyne wafdi uu hogaaminayay Madaxweyne Cosoble, waxa ayna halkaasi ugaareen sidii ay u soo qiimeen lahayeen abaaraha kajira guud ahaa Gobolka Hiiraan.

Wixii Dheeraad ah Lasoco Tabiyenews.com

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com