Warakii Ugu Dambeeyay

Musharax Madaxweyne Farmaajo oo si layaab leh uga hadlay Qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay

Kenya-12-12-2016-Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed {Farmaajo}  oo  ah Musharax Madaxweyne ee Sanadkaan horayna u soo noqday Ra’iisal Wasaarihii Dowladadii KMG aheyd  ayaa kaga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraamabada iyo dhammaan shacabaka Soomaaliyeed qaraxii Shalay ka dhacay Muqdisho oo ay Sheegteen Al Shabaab.

“Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi Raajucuun, qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan kaga tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay qaraxii Shalay ka dhacay  agagaarka dekadda Muqdisho, Waxaan Eebbe kaga baryayaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Allaah caafimaad deg deg ah siiyo” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay in looga Baahan yahay Masuuliyiinta hada jirta iyo Kooxda Weerarkaasi fulisay in ay is weydiiyaan Maxay galabsadeen Dad shacab ah oo aan siyaasadda ku jirin nolo maalmoodkoodana ka raadinayo in ay   ka shaqeytaan waxa ay ku Maareen Karaan Nolosha Qoysaskooda.

Maxamed Cabdulaahi {Farmaajo} ayaa sheegay in la Dayacay Amniga Shacabka Soomaaliyeed Maadaama uu Tilmaamay in Dowladaii ka Masuulka aheyd ay ku Mashquushay Doorashooyin iyo dano iyaga u Gaar ah.

“Dowlada Hada jirta wey dayacday Amniga Shacabka ay Masuulka ka yihiin Hey’adihii loogu tala Galay Sugida Amniga Dalka Gaar ahaan Caasimadda waxa ay ku Melmeen Siysaadda Dalka ka jira iyo Loolanka ka Dhaxeeya Muasharaxiinta hadda Xilka Haya,Waxaan kula Tali lahaa Dowlada in ay Masuul ka saarto Amniga Shacabka inta isbadalka ka imaanayo” ayuu Mar kale Yiri Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Musharax Madaxweyne Farmaajo ayaa ka Codsaday Umadda Soomaaliyed in la Badbaadiyo dadka Dhaawaca ah ee Xaaladoodo ay liidato eek u jira Isbitalada Maadama aysan heysan Dhaqaalo ay isku Daaweeyaan waxa uuna balan qaaday in uu qeyb ka qaadan Doono Gurmadka loo fidinayo dadka ku dhaawacmay Qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay

Ugu dambeynti, Farmaajo ayaa ugu Baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay iska dulqaataan inta  yare e is Badalka ka dhacayo Dalka Maadaama uu Sheegay in aysan jirin Cid hada isku Xil saartay in ay ka fikiraan ama ay wax u qabtaan Shacabka Dhibaateesan qaarkoodna ay Abaaraha ku Heystaan Gobolada Dalka.

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]