Warakii Ugu Dambeeyay

3 Ruux oo loo qabtay Dilalkii Maanta ka dhacay Muqdisho

ciidanka

Muqdisho-Tabiye.com- Hay’adda Nabadsuggida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay gacanta ku soo dhigtay gaari ay wateen rag maanta dilal ka geystay magaalada Muqdisho.

Hay’adda Nabadsuggida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa tilmaamtay in xaafadda Jamhuuriya ee degmada Yaaqshiid ay kasoo qabteen gaariga ay wateen raggii weeraradii lagu diley afhayeenkii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo askari ilaalo u ahaa  taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada NISA Xasan Dheere oo isaguna ku dhaawacmay weerarkas.

Hay’adda Nabadsuggida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen 3 ruux oo lagu tuhmayo dilal saacadihii aanu soo dhaafnay ka dhacay magaalada muqdisho.

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]