Warakii Ugu Dambeeyay

Qaramada Midoobay “ Hala ilaaliyo Rayidka ku go’doonsan Mosul

_94726320_mosul1

Mosul – Tabiye.com- Ayadoo uu ciidanka Ciraaq isu diyaarinayo duulaan ka dhan ah xooggaga ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee ku sugan Galbeedka Mosul, ayaa Qaramada Midoobay waxa dhinacyada dagaallamaya ugu baaqday badbaadinta boqolaalka kun ee dadka rayidka ah ee halkaasi ku go’doonsan.

Diyaaradaha dagaalka ee Ciraaq ayaa deegaankaasi ku daadiyay warqado ay dadka rayidka ah uga digayaan duulaanka kusoo aaddan halkaasi.

Ciidamada Ciraaq oo isugu jira kuwa dowladda iyo maleeshiyaad ayaa ku hareereysan galbeedka Mosul.

Duulaanka ayaa billaaban kara xilli kasta.

Xulafada uu hogaaminayo Maraykanka ayaa duqeyn xooggan ku haya goobaha ay ku sugan yihiin xooggaga ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga .

Balse dagaalka dhabta ah ayaa ka dhici doona wadooyinka magaaladaasi.

Walaaca jira ayaa ah in dagaalka uu dhibaato u geysto boqolaalka kun ee rayidka ah ee ku go’doonsan galbeedka Mosul.

Isuduwaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraaq, Lise Grande, ayaa BBC u sheegtay in muhiim ay tahay ilaalinta dadkaasi rayidka ah.

Lise Grande ayaa intaa ku dartay in cashar laga bartay howlgalkii dib loogu qabsaday bariga Mosul, halkaasi oo ay guryahooda ku sugnaayeen in ka badan nus milyan qof oo rayid ah.

BBCNEWS

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]