Warakii Ugu Dambeeyay

Saddex ruux oo cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyootay Gobolka Bakool

abaar-sanaag-1132x670

Bakool- Tabiye.com- Cabdullaahi Saalax Xuseen oo ka mid ah Maamulka Degmada Yeed ee Gobolka Bakool, ayaa sheegay saddex ruux inay u geeriyoodeen xanuunka Shuban biyoodka oo ka dilaacay deegaankaasi.

Cabdullaahi Saalax Xuseen waxa uu carabka ku adkeeyay in Shuban biyoodka uu faro kulul ku hayo dadka kunool deegaanada ay maamulaan kooxda Al-shabaab, waxa uu Cabdullaahi Saalax Xuseen tilmaamay in dagaal culus ay kula jiraan shuban biyoodkana waxaa keenaya kuleylka iyo biyaha oo yaraaday ayaa saldhig u ah, hadadan aan kula hadlayo dabeylo aad u waaweyn ayaa ka dhacaya, waxaas ayaana sababa in hawlahani ay sidaa isku bedelaan, degamada hadda waxaa usoo gurmatay hay’adda NCF ayaa u soo gurmatay oo daawooyinkii looga hortagi lahaa iyo kuwii lagu daaweyn lahaa iyo biyo dhaamisba u sameysay.” Ayuu yiri Cabdulaahi Saalax

Deegano kale oo ku dhaw dhaw Degmada Yeed ayaa wuxuu sheegay dadka inay u geeriyoonayaan xanuunka Shuban biyoodka, maamlmihii dambewaxaa abaaro iyo macluul daran laga soo sheegayay qeybo kamid ah Gobolada dalka soomaaliya.

Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Hay’adaha kusugan muqdisho waxa uu kala hadlay sidii loo caawin lahaa dadka ay saameysay Abaaraha ka jira Gobolada dalka.

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]