Warakii Ugu Dambeeyay

Salaadiinta Beesha Daarood oo ka digay Faragelinta Itoobiya ay ku hayso Doorashada Soomaaliya

Kulan Balaaran oo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen Salaadiinta Beesha daarood ayey uga hadleen Faragelinta Dowladda Itoobiya ay ku hayso Doorashada Soomaaliya.

Qaar kamid ah Salaadiinta Beesha Daarood oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku baaqay in deg deg Itoobiya ay u joojiso Faragelinta Doorashada Soomaaliya ay ku hayso,waxaana ay soo jeediyeen Salaadiinta in Itoobiya ay ku Ekaato oo kaliya Howlgalka AMISOM.

“Waxaa wax laga Xumaado ah in Itoobiya ay Faragelin Toos ah oo Joogto ah ay ku hayso Doorashada Soomaaliya iyo sidoo kale Guud ahaan Arrimaha Soomaaliya,Itoobiya waa dal aan derisnahay waxaan ugu baaqeynaa in ay Faraha kala baxdo Arrimaha Doorashada oo ay Faraha kula jirto”ayey dhaheen Salaadiinta Beelaha Daarood.

Hadalka Salaadiinta Beelaha Daarood ayaa ku soo aadaya Xilli Dowadda Itoobiya ay Faragelin qaawan ku hayso Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Doorashada Soomaaliya oo la sheego in ay wadato Musharaxiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com