Warakii Ugu Dambeeyay

Salmaan Waa Saxafi Soomaaliyeed W/D: Mascuud Warsame isxaaq

Dhamaadkii Sannadkii 2010-kii ayaa si lama filaan ah isku baranay Saaxib Soomaalida oo idil aad ugu qaalisan Salmaan Jamaal Saciid oo bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad ku noolba aad u wada jecel yihiin sida ugu heelan yahay Taakuleynta dadka danta yar, ka shaqeynta Nabada iyo Waliba Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

15073538_1141453595950173_5986125427454960047_n

 

Salmaan inta aan baran waxaan Codkiis ka dhegaysan Jiray idaacada Daljir { Daljir Radio }gaar ahaan Waxaa u tabin jiray Barnaamijka Cayaraha oo Ka bixi Jiray Radio Daljir, inkastoo aan Xilligaas Aniga ka Mascuud ahaan Saxaafada ku jirin, hadana waxaan la ahaa Saaxib dhow, Saaxibada Xilligaas ka shaqeenayay Radio Daljir gaar ahaan Xaruunta Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

 

Mudo ka dib, Waxaa Nasiib u yeeshay in aan ku barto Salamaan Jamaal Saciid Cayaarihii Gobolada Soomaaliya ay marta-gelisay Maamul Goboleedka Puntland oo Xiligaas Hogaamiye ka ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, hadana ah Musharax u tartamaya Jagada Madaxweynimo ee doorashada ka dhacayso dalkeena Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn Waqtiga rasmiga ah ay dhaceyso doorashada dadban gaar ahaan mida Madaxweynimo, Allah Subxaanahu Watacaala kheyr hana wada waafijiyo dhammaanteena insha ALLAH.

 

Salmaan Jamaal Saciid iyo Cusmaan Aadan Carays waxay si Wadajir ah u tabin Jireen Barnaamij gaar ah oo Xiligaas Lagu lafa-gurayay ama lagu falanqeenayay Cayaarihii dhacay Maanta iyo kuwa beri la ciyaari doono, hadaan qaldanahay halkaan waad i sixi kartiin dadka akhriisanaya Buuggayga gaar ahaan dhageystiyaashii Raadiyo Daljir iyo Tageerayaashii Tartankii Cayaaraha ee Xilligasi socday, Waxa kale oo aan raba in aan halkan ka xuso inaysan ka soo geyb galin qaar ka mid ah gobolada Maamulka Soomaliland.

 

Nasiib Wanaag, Waxaan Maalin la kulmay Saaxibkayga Cusmaan Carays , si is barasho ah runtii Carays waxaa uu ahaa dadka tusaalooyin Fara badan iiga siyay, Haddiiba aan rabo in aan bal Mar un, Saxaafada ku soo biiro, daqriiqooyinka aan raaci lahaa sida ugu wanaagsan in aan u isticmaalo, Saaxibakyga Careys aad ayaan aga Mahdcelinaya, Tusaalooyinkiis wanaagsanaa, Markii igu dambeesay waxaa uu ku sugnaa Magaalada Beledweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.

Hadaba Sidee ayaan ku bartay Salman Jamal Said

 

Waxaan Salmaan aga baahday in Barnaamij Arday ka qalinjebisay Machadka Luuqadaha ee Salaaxudiin, kuna yaala Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntlnad, in uu bal iila diyaariyo Maadaama laga rabay in u ahaado Barnaamij Keyd ah oo markii loo baahda la heli karo, aan Anniguna u gartay Shaqsiga kaliya iila diyaarin kara in uu yahay Salmaan Jamaal.

 

Mid kamid ah Asxaabtii Daljir Garowe Xiligaas isla wada shqeenayeen ayaan Taleefoon Nambarka Salmaan ka qaatay, Waana Shaqsi isagana Soomaalinimadu ku weyn tahay Cali Cabdicasiis Ducaale ahna Sawir-qaade Soomaaliyeed Samaanta jecel, waxuuna ii sheegay in uu Salmaan Boosaaso dib ugu laabtay, waxay igu noqotay Arin aan la yaabay in anigoo Garowe jooga, oo Salmaan Jamaal Boosaaso Jooga Barnaamijkayga aan aga baahday iila sameeyo, Maadaama ALLAH ka sokow isaga Caawinaad aga Baahnaa, aysana ii muuqanin cid kale oo aan ku kalsoonaa in sida aan rabo Barnaamijkaas iigu hagaago.

 

Saacado fikir ak dib, Waxaan isku dayay inta aan qarash gelin in aan bal Salmaan Waco oo taleefoon kula hadlo, arrintaydana aan u sheegto, Salaan iyo isbarasho ka dib ayaan ku iri “ Saaxib Waa qof u baahan in aad bal Xirfadaada Wixii aad ku dhaantid ku caawisid ,Barnaamij Noocaas ayaan rabaa in aad iila Codaysid oo gacan iiga siisid” Wax jawaab ah oo aan u arkay in markale Ka fikirayo Su’aal kale Salmaan Afkiis kama soo bixi, durbadiiba wuxuu igu yiri” Xadgee Joogtaa Adiga ?

Markaas ayaan ku iri “Garowe ayaan Joogaa, intuu yara fikiray ayuu iiga jawaabay” Saaxib Ani Garowe waan kasoo tagay, hada waxn ku sugan nahay Magaalada Boosaaso, markaas ayaan aga jawaabay” isla Boosaaso ayaan kuugu imaana” Markaas ayuu iiga jawaabay” dartayda hadiiba Safar usoo galaysid Wax waliba in aan kuula habeeyo, waa igu balan saaxib, ee Adiga soo diyaar garoow”

Barnaamijka aan Salmaan ka rabay waxaa lagu sameeya lacag aad u badan anoo cabsanaya ayaan dhahay Saaxibo Wax lacag ah ma haysto oo baabuurkaba Booja/ Shuut { Af-soomaali ) ayaan kusoo raaci rabaa, markaas ayuu igu yiri” ALLAH Adiga haku soo Nabad Aruuriyo saaxib”

Bartimihii Sannadkii 2011-kii ayaan Mar kale go’aansaday in aan u safro Magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari.islamarkaasna Ujeedka safarkayga u yahay in Saaxibkayga Salmaan kula soo kulmo Magaaladaasi, howshayna ii soo fuliyo, maadaama aan ku balansaneyn haddiiba mar Boosaaso gaaro in howshayda gacan iiga siiyo.

Waxaan tagay Boosaaso, waxaan wacay numberka taleefoonka ee Salmaan Jamaal, Xiligaas waxaa uu igu balamiyay in aan si toos ah ugu tago Xaruunta Daljir Boosaaso, Markaan Xaruunta u dhowaaday ayaan kulany, Runtii Farxad ayaan dareemay Safarka aan Salmaan usoo galay, waxaa iiga Farxad badnayd soo dhoweynta wanaagsan ee gurigiis igu marti qaaday, Wada-Sheekaysi ka dib, Waxaan u Sheegay in aan rabo in Barnaamijka gacan Weyn iga siiyo maadaama uu ii balan qaaday Hadiiba ALLAH Nabad igu soo Aruuriyo in u i garab siin doono, Muhiimada Boosaaso aan u i maadayna ay aheyd in Barnaamijkayga si wanaagsan igu hagaago.

Barnaamijkayga qaabka aan u rabo ayaan u bandhigay, oo aan u sharxay, Saacaduna waxay ahayd Xilli duhur oo qoraxdu aad u kulushahay, waxaan balanay in galabta Barnaamijka aan u fadhiisanayno inta uu nagu qaato Waqtina aan siino, dhibkasta aan u marno.

Waxaan bilownay 4:00AM{ Afartii galabnimo } Waxaa uu Barnaamijka noo dhamaaday 8:00 AM habeenimo / fiidnimo muddo afar saac ayaan ku howlayn, Aniga Mascuud ahaan waxaan aad ugu farxay Waqtiga qaaliga ee ii horay Saaxibkayga Salmaan, Niyada ayaa Maalintaas ka yiri” Allow Salmaan noo dhaaf, Soomaali oo dil baa u baahanee ” taas aan ula jeeday in maanta ay adagtahay, in qof dhalinyara ah oo Xirfad aad kaaga sareeyo kuugu gacan siiyo in uu kuu saxo wixii kaa qaldan, inkastoo ay jiraan dad wali wanaaga ku dambeeya in bulshadooda u faa’ideeyaan.

Salamaan sidaas ayaan ku bartay, Markii aan dhahay Saaxib” Maxaan Shaah tuura” ileyn waxan ahaa nin shaqo adag loo qabtay, Saaxibkayga Salmaan durbadiiba dhaar Wuxuu ku maray in uusan iga qaadanaynin Wax Lacag ah oo igu yiri waliba” Aniga dartayda Safar usoo gashay, Sidee wax kaaga qaadanaa ee Saaxibo Guriga Waa Gurigaaga ha is Martiyeenin ee seexo Caawa aniga ayaad marti ii tahay”

Si kasta aan wax ugu sheegay, wuu iga diiday in howshii adkeyd gacanta igu siiyay, Allana noo fududeeyay in uu bal wax un ii qiimeeyo, wixii tabar ahaan aan bixin karo, wuxuuna ugu dambeyn wacad ku maray in uusan wax iga qaadanin, markaas ayaan u shegay in Hoteel degan nahay oo aan Caawa Hoteelka Seexanaya, habeenkaas inta hurdada iga imaanin , Wanaaga Salmaan ayaan ka fikirayay wax aan ugu abaal gudo,Jaanis aan wax ugu abaal gudana iskuma aan helin inta badan, Laakinse waxaan go’aansaday Xiligaas wixii ka dambeeyay qof waliba wixii aan dhaamo, oo aan isleeyahay waad kaga aqoon badan tahay in aan gacan-siiyo ama fikir ayaad ku biirin kartaa in taladeeda siiyo, taasina waxay ii aheyd Wanaaga aan Saaxibkayga Salmaan ka dhaxlay Al-xamdullilah.

 

Wixii Xiligaas Ka dambeeyay Saaxibka Soomaalida, Saaxibkayga Salmaan, Social Media ayaan iskala soconay iyo taleefonada gacanta,laakin Nasiib Wanaag 2014-kii ayaan Laba mar ku kulanay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamar Weyne si lama filaan ah, Waxaan aad aga xumahay in Saaxibkayga dhaawac ka soo gaaray Bishii July 26-keeda, Sannadkii aynu soo dhaafnay 2015-kii ayuu ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo lagu qaadey Hotel Jazeera Ee Magaalada Muqdisho, balse hada uu ka bogsaday, uuna Caafimaad qabo, kuna nool yahay Magaalada Ankara ee Caasimada dalka aan Walaalaha nahay eeTurkiga.

 

Nimca Kasta oo aan haysano waxay nooga timid ilaahey { Boqorka } Xaggiisa, Haddii dhib na taabtana isaga ayaan u cabana Laakin dadkeena qaar ayaaba sidaasi wax u fahansaneyn, Saaxibkayga Salmaan waxaa uu waqtigiisa inta badan ku bixiyay in uu caawiyo ama uu saacido dadka aan codka laheyn ee loo yaqaano { Non Voice people } isagoo oo aan hada ku nooleyn dalka gudahiisa ayaa wali uu ka wada dibada, in dadaalkiis halkaas ka sii wado.


Haddaan nahay Soomaali waan isku naxriisana, waana isjecel nahay, Waana kala aragti duwanaan karnaa laakin waxan nahay dad marna kala maarmi Karin, balse dad yar oo aan tira badneyn ayaa dadka Sharafta leh Sharaftooda ku ciyaara, taasina waxaa ay qeyb ka tahay, shaqsiga oo uusan fahansaneyn qofka Bulshada Sumcada ku leh iyo qofka kale, Waayo waxaan arkay marar badan oo Saaxibkayga Salamaan Sharaftiis kuwa aan Sharaf, Xishood iyo Waliba diin toona laheyn ku ciyaaraya, waxaan dadkaas kula dardaarmaya in ay ka waantoobaan falalka noocaas oo kale ah.

 

Ugu dambeyn, Saaxibkayga Salmaan waxaan u rajeenaya in ALLAH uu siiyo Cimri dheer iyo Caafimaad qab, iyo dadaalka baaxada leh ee bulshada Soomaaliyeed hormarkooda kaga shaqeenayana in uu sii wado, waana ku faraxsan nahay in aan Buuggayg “25 Jir Aan Dowlad Arkin” kuugu sharfo kana mid noqotid toban Weriyaal aan u xushtay in bulshadeena hogaan u yihiin, una badan dhalinyaro, oo aad adigu ka mid tahay, walaal Allah haku Xifdiyo, Wanaagaaga qoraal kuma soo koobi karo!

Qofka inta uu nool yahay Wanaagiis ka Sheekeey.

Habeen Wanaagsan Soomaalideydi.
DHAB KA HADAL: Mascuud Warsame isxaaq

E-mail: [email protected] 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]