Warakii Ugu Dambeeyay

Sharci Dejiyaasha Maamulka Galmudug oo Xilkii Madaxtinimo ka qaaday Guuleed

guurti

Cadaado:- Kulan ay Magaalada Cadaado ku yeesheen Xildhibaanno gaaraya 54 Mudane oo kamida Baarlamaanka Galmudug ayey ku sheegeen in Xilkii ay ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada 54-ta ah ayaa isku raacay in Kalsoonidii ay kala noqdeen Madaxweynaha Galmudug oo ay ku Eedeeyeen inuu ku fashilmay Hogaaminta maamulkaas.

Xiisad aad uxoogan ayaa manta laga dareemayaa magaalada cadaado kadib markii 54 Mudane oo kamida Baarlamaanka Galmudug ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha Galmudug.

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com